Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Dhallinyaro Fikrado Cusub Ikhtiraacay Iyo Waranka Uu Ku Ganay Golihiisa Wasiirada

24
3816

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  14 (Afar iyo toban) dhalinyaro reer Somaliland ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira, kuwaas oo maskaxdooda ka curiyey hal-abuurro kala duwan oo dhinaca ganacsiga  iyo wax soo saarka ah.

Da’yarta hal-abuurka curiyey, ayaa isugu jirey qaar hal-abuuray waxyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin, samaynta kabo iyo dhar  casri ah, kiriimmo cusub iyo saliido jidhka iyo timaha ah, saabuuno jidhka ah, farshaxanno, beeridda calafka xoolaha oo hab casri ah, agab cusub ee maayadda dabka ku shaqeeya, cuntooyin nafaqaysan iyo waxyaabo kale, iyadoo uu madaxweynuhu ku bogaadiyey dedaalka dheeraadka ah ee ay sameeyeen, samirka iyo sida ay maskaxdooda u  tuujiyeen, waxaanu hoosta ka xarriiqay inuu madaxweyne ahaan si dhaw ula shaqayn doono, isla markaana la garab taagan yahay wax kasta oo meesha lagaga saari karo caqabadaha haysta arrimaha ganacsi ee ay curiyeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dhalinyarada hal-abuurka cusub soo kordhiyay hadal mahadnaq iyo bogaadin ah u jeediyey, ayaa sheegay inuu qalbi furan ku soo dhawaynayo hal abuurkooda oo uu si kaftan ka muuqdo u garab dhigay golihiisa wasiirada oo uu xusay inaanay hal abuur la iman ee ay qalin iyo warqad la yimaadaan. “Aad iyo aad ayaan idiin soo dhawaynayaa marka hore,ku soo dhawaada gurigiina madaxtooyada, waxa noo sharaf ah inaad ku fadhidaan kuraastii wasiirada oo waliba idinku aad hal abuur keenteen; wasiiradu hal abuur ma keenaane,qalin iyo warqad ayay la yimaadaane inaad keenteen waa kuwan I horfadhiyee idinka oo da’yar aad wax wada fikir cusub ah oo hal abuur ah aad keenteen, aad iyo aad ayaanu idiinku mahad naqaynaa,waanu idiin ducaynaynaa, waanuna idinla shaqaynaynaa.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dhalinyarada hortooda ka shaaciyey inay qarankooda xaq ugu leeyihiin inuu taageero ka geysto sidii fikirkaas looga midho dhalin lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“ Idinka oo da’yar inaad fikir cusub oo hal abuur ah keenteen waan idiinka mahadnaqayaa, waan idiin ducaynayaa, waanan idinla shaqaynayaa, in la gacan-qabto qofka dhalinyarada ahi kaligii waxa uu qabtaa dawlad ahaan ma aha baryo iyo duco’e qaranka xaq baad ku leedihiin waana waajib aad leehihiin in mar haddii uu qofku hal-abuur keenay inuu hal-abuurkaas la taageero, wax caam ah oo la idiin qaban karo iyo wax gaar ahba.”

Madaxweynuhu isaga oo niyadda u dhisaya dhalinyada hal-abuurka samaysay, isla markaana dhiirrigelinaya waxa uu ka codsaday in aanay niyad-jabin oo ay dedaalkooda libin-laabaan, si gaar ahna ugu tashadaan taageeradiisa, “Mar alla iyo markii aad ii baahataan waad I heli karaysaan, fikir ahaan iyo talo ahaanba, tixgelin gaar ahna waan siinayaa qofka fikirka wada, waayo qofka kale ee la da’da ah qiime ayuu dheer yahay, waana inaydaan niyad-jabin oo aydan daalin oo aad halkaas kasii waddaan waad gaadhaysaane, annagana waad nagu tashanaysaan wax ay taagi reebto mooyaane, albaabkayguna mar walba wuu idiin furan yahay.” Ayuu yidhi madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here