Nuxurka Waraysi Ay Warbaahinta Gulf News La Yeelatay Madaxweyne Biixi Iyo Qodobada Uu Diiradda Saarayo

53
3322

Hargeysa(Geeska)-Warbaahinta Gulf News ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay daabacday waraysi ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Waraysiga oo uu madaxweynuhu kaga hadlay arrimaha uu ahmiyada siinayo iyo sida ay Somaliland uga faa’iidaysan karto goobta istaraatajiyadeed ee ay ku taalo, wuxuu nuxur ahaan u dhacay sidan:

Waa maxay arrimaha aad ahmiyada siinaysaa ee Somaliland?

Ahmiyaddayda koowaad waa su’aasha qaranimada ee helitaanka ictiraafka Somaliland. Wadamo badan oo ka tirsan Qaramada Midoobay waxay yidhaahdaan waa arrin u taala Somaliland iyo Somaliya inay xalistaan. Laakiin dhibaatada  Soomaaliya taalaa, wadankii waa qasanyahay. Sidaas daraadeed way adagtahay in lagala xaajoodo Soomaaliya ictiraafka, maadaama oo aanay weli degenayn. Mr. Farmaajo, ma metelo umadan, go’aamo ma samayn karo, xaqiiqduna waxa weeye isagii ayaa u baahan xoogag shisheeye oo ilaaliya.

Waa inaad ogaataa, inaanaan ahayn gooni u goosad. Waxaanu Soomaaliya la galnay midow. Hadda, waa arrimihii oo aanu midowgii dib ugala soo noqonay, waxaanu ahayn laba maxmiyadood oo kala duwan. Waxa Koonfur ka jiraa waa Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka kooban lix gobal oo federaala, kama mid nihin annagu.

Caqabayada labaad, waa macaluusha. 27 sannadood oo bilaa aqoonsi ah iyo toban sannadood oo aanu dagaal kula jirnay taliskii siyaad Barre ayaa nagaga tagay macaluusha.

Caqabayada saddexaad waa isbedelka cimilada taas oo si taban u saamaynaysa gobalka. Roobabkii way yaryihiin, berigii hore waxay ahaayeen 400mm haddana waa 200mm, waxaanay tani taabanaysaa dhaqdhaqaaqii dhaqaalahayaga. Xoolaha nool, waa wax soo saarkayaga ugu weyn. Isbedelka cimiladu wuxuu sababay inuu yaraado cawskii xooluhu, 60% xoolahayagii way dhinteen, xoolihiina way sii yaraanayaan.

Caqabadayada ugu dambaysaa waa degenaansho la’aanta jaarkayaga. Waxa jira Soomaaliya iyo Yemen. 60% miisaaniyadua waxay ku baxdaa ammaanka.

Markaas Habkee ayaad u maraysaa?

Waxaanu doonaynaa inaanu soo saarno wax aanu leenahay. Khayraadkayaga dabiiciga ah, sida saliida dhawr shirkadood ayaa muujiyay sida ay u danaynayaan. Khayraad labaad oo aanu leenahay waa badda. Dadkayagu maaha dad badeed, badankoodu waa xoolo dhaqato. Waxaanu leenahay xeeb dhreerkeedu yahay 800km, haddana inta badan dadka Soomaalidu ma cunaan kaluunka.

Qodobkani waxa kale oo uu xidhiidh la leeyahay gaadhitaanka xeebaha. Waa gobal buuraley ah, waddooyinkuna way kharash badanyihiin in la dhiso.

Markaas waxa loo baahanyahay xirfado. Waxaanu doonaynaa inaanu qaadano qaabka sida Philipine, Hindiya, Thailand, oo waxay dunida u diraan dad xirfado sare leh, waana waxaanu u baahanahay. Muhiimadu waa in la damaanad qaado, dadkayagu waa dad aad ugu wanaagsan xirfadda iyo wax kasta oo ay qabtaan.

Marka labaad, waxaanu doonaynaan inaanu isku filnaano. Waxaanu nahay dad nabadeed, oo waxaanu doonaynaa inaanu saaxiib la noqono dunidoo dhan.

Ma waxaad ka faa’iidaysanaysaa goobtaada istaraatajiyadeed?

Mararka qaarkood qaninimadu waa habaar. Tusaale u soo qaado Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. Waxay leeyihiin hanti dabiici ah, laakiin in ka badan 60 sannadood ayay ku jireen colaad. Annagu, waxaanu ku naalaa goob istaraataji ah, taas ayaan ah hodankayaga, laakiin sidoo kale waxay noqon kartaa arrin taban. Gumaystayaashii dano gaar ah ayay ka lahaayeen gobalka Geeska Afrika, sababtoo ah istaarajiyada goobeed. Waa marin muhiim ah. Imikana, argagaxisadii waxay isha ku haysaa gobalkan. Miisaaniyadayada yarna waxaanu ku difaacaynaa xeeb dhererkeedu yahay 800km annagoon wax caawimo ah ka helin cid kale.

Sidaas daraadeed aragtiyadadayadu, waa inaanu noqonaa istaraataji oo aanu ogaanaa yaa saaxib noo ah, yaase nagu danaysanaya. Maskaxda ayaanu ku haynaa waxan oo dhan, waxaanan isku dayaynaa inaanu si mug leh u isticmaalno goobtayada istaaratajiyadeed.

Yaad xulafo la tihiin?

Waxaanu xidhiidh dhow la leenahay Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Sucuudigu waa jaarkayaga oo aad noogu dhow. Dhammaan xoolahayagu waxay tagaan Sucuudiga. Waxa ku yaala labada xaram ee Barakaysan, dadkayaguna xajka ayay tagaan. Imaaraadka Carabta, dhammaan hantidayada ganacsi waxay ku xidhantahay Dubai, dhaqdhaqaayaga ganacsi wuxuu ku xidhanyahay UAE sida duulimaadyada iyo dekedaha iyo wixii la mid ah, sababtuna waxa weeye shacabka Imaaraadka ayaa ah dad ganacsi. Waxay ku guulaysteen inay soo jiitaan dunida oo dhan. Danahayaga dhaqaale waxay ku xidhiidhsanyihin Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaad ahayd duuliye diyaaradeed oo ciidamadii cirka ee Soomaaliya. Sidee ayay facaa’ilkii xukunkii Siyaad Barre ee ka dhanka ahaa reer Somaliland uu u saameeyay aragtidiinii dunida iyo xorriyadda Somaliland.?

Sannadkii 1981, waxaanu samaynay ururkii SNM. Hawdka ayaanu galnay oo waanu la dagaalanay xukunkii Siyaad Barre. Duqaymihii uu ku sameeyay caasimadda Hargeysa 99% si xadka ka baxsan ayay u baabiiyeen caasimadda Hargeysa. Saddex bilood oo sannadkii 1988 ah, diyaaradihiisii Mig 17 iyo Mig 19 ayaa hawada Hargeysa marayay saddex saacadood maalin kasta. Waxa ay Qaramada Midoobay cadaysay in in k Abadan 50,000 oo qof la laayay saddexdaas bilood ee 1988 oo keliya. Waxaanu ilaa hadda soo saarnay oo diiwaangelinay 55 xabaalo wadareed oo Somaliland ku yaala. Guddiga xasuuqa ayaa haya muuqaaladii xabaalo wadareedyadaas. Inta badan ee muuqaaladaas dunidu war kamay hayn. Sidaas daraadeed,Haa, aad ayay u adkayd in lala noolaado dawladii Siyaad Barre. Waana sababta aanu xorriyadayada u soo ceshanay, waxaana nahay dad doonaya inay dhisaan wadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here