Madaxweyne Biixi Oo Masuuliyiin Xukuumadiisa Ka Mid Ah Ku Sameeyay Xilkaqaadis Iyo Magacaabis

0
730

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa masuuliyiin xukuumadiisa ka tirsan waxa uu ku sameeyay  xilka qaadis iyo magacaabis.

Madaxweyne Biixi ayaa xilka ka qaaday wakiilkii Somaliland ee Shiinaha iyo safiir ku xigeenkii Somaliland ee dalka Itoobiya, waxaanu sida oo kale Badhan u magacaabay guddoomiye iyo ku xigeen. Waxaanay wareegtada madaxweynuhu uu soo saaray ay u dhignayd sidan

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste),

Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha

Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil,

Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan.

Magacaabis

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:

Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Maxamuud Xaamud Cumar

Guddoomiyaha Gobolka Badhan

  1. Cabdiraxmaan Axmed Muuse

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan

  1. Cawil Ibraahim Cali

Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha  

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here