Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Guddiga Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka

0
452

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa Shalay Magacaabay  Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka oo uu dhawaan Xeer Madaxweyne uu ku aasaasay.

Wareegto uu Shalay soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye.
  2. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin.
  3. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin.
  4. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin.
  5. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin.
  6. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin.
  7. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin..”

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland