Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Xilligeeda Ku Qabanayo Doorashada Madaxtooyada

0
483

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay, in loo baahan yahay in sharci ciqaabeed laga soo saaro dadka taga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya isla-markaana ka soo horjeeda qadiyada Madax-banaanida Somaliland.

“Waxaynu wax ku noqon karnaa Qaran, inagoo is jeclaana oo qalbi fiican wada yeelana, qalbigeena haddaynu midayno, tayadeena haddaynu midayno wala wayn iyo qayrkoodba inagamay adkaadeen, hadda inagii ayaa la ina isticmaalayaa, waxaan jecelahay in aynu xeer soo saarno lagu ciqaabayo dadka khaayimiinta ah ee dalka ka taga ee magaceena sheeganaya, barmadow ayay inagu tahay arrintaasi” ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in loo baahan yahay in xukuumaddu abuurto xeerarka oo aanay ka sugin goleyaasha baarlamaanka, isagoo sheegay in xeerar laga soo saaro arrimo ay ka mid yihiin qabiil nacaybka iyo sumcad dilka “Dowladdu waa in ay xeerarka abuurta baarlamaanku wuu ka eegaa, waxaan jecelahay xeerar badan in la sameeyo, kuwa amaanka la sameeyaa, magac dilka la sameeyaa, qabiil nacaybka waa in sharciyo laga sameeyaa, dadkii waynu qabanaynaa sharci aynu ku qabanaynaana majiro” ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ka qayb galay xafladda qalinjabinta dufcaddii 19aad ee ka baxda Jaamacadda Hargaysa, oo tiradoodu dhantahay 1,157 arday, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi doonayo inuu doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda ku qabto “Madaxweynahana waan Hambalyeynayaa, doorashadii Madaxtooyadana wuu qabanayaa oo Axankiina wuu raacinayaa.”

Faysal ayaa sidan oo kale Toddobaadkii hore sheegay in Madaxweynaha uu ka soo gaadhay War ahFaysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Xilligeeda Ku Qabanayo Doorashada Madaxtooyada inuu doorashada Madaxtooyada xilligeeda ku qabanayo, haddii taasi suurto-gashana ay Taariikhda u geli doonto inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee aan Muddo-kordhin codsan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office