Guddoomiyaha WADDANI oo Sheegay In Somaliland La’aantu Ka Marayso 70%

0
480

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro),  ayaa sheegay in cilmi-baadhis la sameeyay ay sheegtay in 70% dhalinyarada Somaliland, ay shaqo la’aan yihiin isagoo sheegay in marka laga yimaaddo dhaqaale la’aanta Somaliland ka jirta loo baahan yahay in qorshe cad laga yeesho shaqo la’aanta.

Cirro oo ka hadlayay qalin-jabinta dufcaddii 19aad ee ka baxda Jaamacadda Hargaysa, ayaa sheegay in tirada ardayda sannad kasta soo baxaysaana sii kordhayso, isla-markaana ay shaqo la’aani jirto “Cilmi baadhis laga sameeyay shaqo la’aanta dhalinyarada Somaliland waxay ku dhawdahay 70%, inagoo og itaalkeena dhaqaale, haddana waxa loo bahan yahay qorshe cad oo ku talo gal ah, oo ardayda loogu talo galo, sanad walba intaas oo arday soo baxayso, tiraduna sii kordhayso” ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Somaliland horumar badan samaysay marka loo eego halkii ay taagnayd sanado ka hor, laakiin loo bahan yahay in la dedaalo oo dadkuna wax bartaan “Maanta Somaliland horumar badan way samaysay, oo waxa laga yaaba dee 20 sano ka hor in anay jaamacado lahayn Somaliland, Jaamacadda Hargaysa markii la samaynayay waan ogaa, Camuudna iyadoo markaa la sameeyay ayaan dalkan imid, horumarka waxa loo bahanyahay in aynu hore usii marino” ayuu yidhi Cirro, waxaanu intaa ku daray “Waxaan rumaysanahay horumarka Somaliland iyo barwaaqadeeduba in ay ku iman karto waxbarasho, xirfad iyo aqoon. Markaa in aynu xoojino ayaynu u baahan nahay” ayuu hadalkiisa ku daray Cirro.

Laakiin, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo Guddoomiyaha ka dib hadlay, ayaa sheegay in aanay Somaliland shaqo la’aani jirin, balse ay jirto waxa uu ugu yeedhay ‘Shaqo saluug’.

 

Geeska.net/Hargeisa Office