Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Faqa Ay Waddaan Madaxda Soomaaliya, Ereteriya Iyo Djibouti Iyo Doorka Somaliland

30
4559

Burco(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay inaanay Somaliland waxba yeeli Karin wuxuu ugu yeedhay niman faq-faqa oo uu uga jeedo kulamada madaxda Ereteriya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Biixi oo shalay hadal u jeediyay bulshada Burco oo si diiran ugu soo dhawaysay magaaladaas, wuxuu isagoo ka hadlaya xaaladda gobalka Geeska Afrika uu hadalkiisa ku bilaabay Isbadalka Geeska Afrika iyo Somaliya  “Somaliland wixii nabad ah way soo dhawaynaysaa, waxii is kaashanaya way soo dhawaynaysaa, in lays ixtiraamana way soo dhawaynsaa, maanta dabaysha ka socota Geeska Afrika iyo midaynta ay dawladaha qaar ku dhawaaqeen waxa u hormuud ha madaxweynaha Eratariya Issias Afawerki, intii uu noolaa ilaa maanta waxa uu ku jiray dagaal gobonimo loogu doonayay Eratariya. 32 sanadood dagaal ayuu ku jiray,cod ayuu markii danbena xoriyadiisa ku qaatay haddana Itoobiya ayay is dileen oo ay dal isku qabsadeen,dad malaayiin gaadhaya ayaa ku dhinay, hadana 11 sano oo kale ayuu go’doon ahaa oo uu u adkaystay cadaadis kasta oo la saaray inuu u hogaansamo gudidii Qaramada Midoobay isaga oo  diiday inuu afar mitir oo dalkiisa ah oo xuduuda ah in laga qaado oo cid kale la siiyo, tiisii ayay noqotay caalamka oo dhan ayaa halkiisii ugu yimi oo raysal wasaarahii itoobiya ayaa la yidhi halkiisa ugu tag oo dhulkii aad ku muranteena sii isagana talada ka qaado, waxa uu muujiyay in muraadkii dalkiisu lahaa uu halgan uga hadhi waayay  ilaa cidii ku haysatay ay u xukuntay, Somaliland-na kaas ay ka sii adagtahay waxaanu u sheegaynaa Issias Afawerki  ta uu u maray mid ka dheer ayaanu u maraynaa balan waxaanu idiinku qaadnay idinka oo yimaada idinka oo xornimadayada ogolaada mooyaane in aynaan wadahadal.”

Somaliland wadadaas mid ka adag ayay haysaa ma suurtoobayso Soomaali ayaa laysu keenayaa kuna arki maayo, maaha Somaliland mid indhaa laga qarin karo, xuduudkii Ingiriiska ee uu Afrika oo dhan kaga tagay ayaanu ku dhisanahay, waxaanu doonaynaa inaanu wanaag iyo wada hadal ku kala baxno, inamada Xamar ka tilinaaya way la noqon wayday waligeed ma dhicin wax sidaas u wada hadlaa, ma nihin dad loo taliyo oo ninkale waxood matalaayo, waanad ogayn waxii dalka ka dhacay.

Dadka Somaliland waxaan leeyahya dhexda waxaan u xidhanaynaa in aan laynagu cabsiin cid ayaa midoobaysaan iyo niman faqfaqa,iyada oo aan nala arkayn, nimaan na arkayn ma arkayno, masalaha  ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo, ninka aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho”

Waxa uu madaxweyne Muuse dawlada Somaliya u sheegay in aanay Somaliland ka soo dabcayn go’aankeeda, sida oo kale waxa uu madaxweynuu ka hadlay waxa ay xisbiyada mucaaradka ah ay isku hayaan iyo dib u dhaca muuqada ee ku yimi doorashadii golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya arrimaha bulshada wuxuu yidhi “Baankii Aroori oo mashruuc weyn ahaa wuu inoo dhammaaday, 80,000 (Siddeetan kun) oo neef baana daaqa ka baxaya cuni doona, waana  20,000 (labaatan kun) oo higtar oo inoo keydsan oo aynnu wada leenahay oo la wada daaqayo, kuwaas iyo kuwo kalena waynnu u baahannahay. Inkasta oo ay dawladdu bilow tahay waxa ay shaqaalihii hore  oo ahaa 1770 (Kun iyo toddoba boqol iyo toddobaatan) maanta ku kordhinaynaa  516 shaqaale cusub ah.

Carqaladaha ina hor taagan waxa kamid ah khilaafka dhexdeenna ah inaynnu gudaheenna ka daminno, ummad baynnu nahay oo waa la is khilaafayaa oo xisbiyadaa is khilaafaya oo deegaannadaa is khilaafaya,  waxase aynu jiraynaa oo  wax qabsanaynaa marka aynnu khilaafkeenna ka dhiganno mid qoys, haddaanu xisbiyada nahay oo aanu qaylo badannahayna waannu joojinaynaa, haddaannu joojin weynnona idinkaa na qabanaya, waayo idinkaa na doortay, annaguna dalka nabad mooyaane u horseedi maynno khalkhal,

Maalin walba ku noolaan kari mayno oday daalay oo suldaan ah, sheekh caalim ah, dawladdii iyo dadkii oo dhammi inay noqdaan wax laga nixiyo, wax gurmanaya oo la maqli waayo iyo wax is laynaya oo la kala qaban kari waayo, qabaa’ilkii iyo reerihiina dhibaatadaasaa inaga haysata, dhammaanteenna waa inaynnu gacmaha isu qabsanaa inaynu ka hor tagno dagaalka qabaa’ilka ah ee aan waxba ku dhisnayn. Iskuulka aynnu doonayno, biyaha aynnu doonaynno, waddada aynnu doonayno iyo jaamacadda aynnu doonayno dhaqaalaheedii waxa uu ku baxay gurmad iyo kala qabtaay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here