Carruurta Yaryar Oo Araggu Daciifo Ama Ili Qallooc Yeelataa Waxa Ay Dhaawac Gaadhsiin Kartaa Horumarka Shaqo Ee Maskaxda

36
4253

Ottawa (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo caalamiya ayaa dhowaan daahfurtay in aragga carruurta oo daciif noqda ama qallooca labada indhood midkood gala ee afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Cooper eye’ oo ilmaha ku dhacaa ay raad taban ku yeelan karto horumarka iyo korniinka shaqooyinka maskaxda ee la xidhiidha hawlaha ay ka mid yihiin muhiimad siinta arrimaha horyaalla.

Cilmibaadhis ay hormood ka ahayd jaamacadda Waterloo ee dalka Kanada oo kaashanaysa cilmibaadhayaal ka socday labada jaamacadood ee Colombia oo ku taalla dalka Ingiriiska iyo Oakland oo ku taalla New Zealand, ayaa natiijadeeda lagu faafiyey joornaalka Investigative Ophthalmology & Visual Science.

Waxa ay cilmibaadhistu sheegtay in qallooca ishu uu aragtida u leeyahay dhibaatooyin khatar ah oo ay ka mid tahay in dhaqso uu qofku u lumiyo awoodda aragga, in aragga isku marka socda ee labada indhood lumo ama in ay korodho khatarta ah in isha aan qalloocin culays ku dhaco oo uu ugu dambaynta aragu ka dhinto.

Caadi ahaan ishu waa sawirqaad, oo marka ay wax aragto sawirkiisa waxa ay u gudbisaa maskaxda si ay u garato waxaas ama u magacowdo. Haddaba dhaawaca u horreeya ee ay xaaladda qallooca ishu ku keento maskaxdu waxa uu ka bilowdaa in labada indhood ee midi qalloocdaa ay maskaxda u kala diraan laba sawir oo kala duwan ama sawirkii oo ay laba dhinac ka kala arkeen ama sawirkii oo laba jeer ah, xaaladdaasina waxa ay ku keentaa Khalkhal shaqo iyo in marka dambe maskaxda qaybtaasi la shaqayn weydo indhaha midkood, oo ay ishaasi sidaas aragga ku weydo.

Dhibaatada kale ayaa ah in isha qalloocdaa ay inta badan kala furan tahay, xitaa haddii shabakadda ishu caafimaad qabto, kala furnaanshiyaas ay kaga badan tahay isha kale waxa uu keenaa in ay sawirro joogto ah oo aanay isha kale qaadin qaaddo oo ay maskaxda u dirto. Shaqadaas aan kala go’a lahayn ee maskaxda soo gaadhaya iyaga oo kala dhiman ayaa ugu dambaynta Khalkhal ku keena shaqadii maskaxda ee qaybtaas qaabilsanayd, waxa aanay maskaxdu qaadataa go’aan ah in ay joojiso adeegsiga sawirrada uga imanaya ishaash. Waxaa halkaas ka bilowda in ay ishaasi ku xidhnaan weydo maskaxda ugu dambayntana aragga lumiso.

Haddaba waxa ay dhakhaatiirtu waalidiinta si aad ah ugula talinayaan in ay ubadka indhahooda ka warhayaan, si dhaqso ahna uga daweeyaan, haddii uu qallooc ku yimaaddo. Sida uu sheegay Ben Thomas oo bare-sare ka ah kuliyadda indhaha iyo cilmiga aragga ee jaamacadda Waterloo, dawooyinta ugu fiican ee qallooca ishu waa marka ay carruurnimo iyo bilowga hore ee xaaladda dawadu la  bilaabato. Waxa aanay inta badan tahay in dawadu ay ku bilaabato marxaladaha ay xaaladdani ku habboon tahay in gudaha maskaxda laga soo bilaabo. Sida oo kale waa in la daweeyaa xaaladaha ku lammaan ee ay ka mid tahay in ilmuhu uu luminayo hubsashada iyo fiirada.

Si kastaba ha ahaato ee in xaaladdan la daweeyaa aad ayaa ay u fududahay marka ay carruunimo ku bilaabato daweyntu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here