“Magaaladeenii Hargeysa Kudaafad Ayay Noqotay, 25 Nin Oo Reer Hargeysa Ah Ayaana Fadhiya”

28
4477

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal CalI Waraabe ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka yaala ay sabab u tahay in aanu dalku lahayn dadkii hogaamin jiray bulshada sida salaadiinta,culimada, aqoon yahanka iyo siyaasyiinta.

Waxa uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe shacbig u soo jeediyay in loo baahan yahay in dadku ay midoobaan oo la helo masuul la doortay oo bulshada u adeega, isla markaasna lala xisaabtamo, waxaanu arimahan ka sheegay xaflad uu kaga qaybgalay degmada Bali-mataan, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidh“Qaybis iyo kala qaybin meelna laguma gaadho, Xamartaas aad aragtaan ee beenbeenta ah nabadgalyo mahaystaan  waad arkaysaan waxa maalin walba ka dhacaaya wax u dhisan ma jiraan ee waa la haystaa 22 kun oo ciidamo ah ayaa haysta neecawdaas ay aan maanta ku shirayno kuma shiri karaan, samir ayaa la yeeshaa wanaagana waxa lagu gaadhaa tartiib tartiib, dal waa lagu dumin karaa maalmo laakiin laguma dhisi karo sanado midba marka uu yimaado waxbuu ku dari doonaa sidaas ayuu u soconayaa horumarku.

Anaga noo daaya siyaasada anaga ayaa la xisaabtamayna maalinba kuwa meesha fadhiista ha na dhex eryina qabiilka hadda qabiilkiiba na fuushan oo naga xoog batay asxaabtiina waa ay jiifsatay hada ayaanu doorashadii soo celinaynaa, waxaanu rajaynaynaa inaan sanadkan doorasho inoo qabsoonto, waxaanu jecelnahay inaan dad wanaagsan aanu baarlamaanka u keeno, dawladah hoose u keeno musuqa la dagaalama qabiilka la dagaalama oo dad wanaagsan ah, markii hore miyiga la joogay waar yaa geedka inoo tagaa ayaa la odhan jiray qofka wanaagsan ayaa la gayn jiray, hada kii qaad bixiya ayaa la keenayaa oo aan caqli lahayn waatas magaaladeenii kudaafad noqotay Hargeysa, 25 nin oo reer Hargeysa ah ayaa fadhiya.”

Guddomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Baarlamaankeenii waad aragtaa qof kaliyaata oo meeshii laga soo doortay u doodayaa ma jiro oo leh magaaladayada biyo iyo dugsi halakeeno oo caafimaad ma jiro, nin waliba tiisa ayuu u ordayaa dabadeedna tii la wada lahaa ayaa baylahday, wax aan wada leenahayba ma jirto oo hadaan umaddu wax ay wada leedahayba oo ay ilaashanaysaa aanay jirin waxba iskuma aha waa inaan yeelanaa abtirsiimo qaran ah.”

ugu danbayntii waxa uu soo jeediyay in lasy jeclaado oo umaddu hogaamin wanaagsan ay hesho“Halays jeclaado oo dadka mudakarka ah ee magacyada sitaa caaqil,Suldaan ama siyaasiye waa inuu dadka wanaag faraa inuu dadka qaybiyo maaha, qaybis waxba laguma noqdo idnimo ayaa wax lagu noqdaa. Alle nabadalyada haynoo adkeeyo, barwaaqo hayna siiyo iyo hagaan fiican, hogaan la’aan ayaa ina haysata suldaan ma lihin,sheekh ma lihin, siyaasi iyo mutacalinba ma lihin, umad dhan oo meel aad u irkataa aanu jirin kawaran, alle hogaan fiican hayna siiyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here