Madaxweyne Biixi Oo Gaadhay Addiss Ababa Iyo Kulankii Uu La Qaatay Raysalwasaare Desalegn Oo Ka Hadlay Iskaashiga Amniga Iyo Dekedda Berbera Ee Labada Dal

63
4278

Addis(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa gaadhay dalka Itoobiya halkaas oo uu kulan uu kala qaatay raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay ka wahadaleen ilaalinta nabadgalyada iyo sidii looga sii wada shaqayn lahaa wadada isku xidha Wajaale iyo Berbera.

Waxa madaxweyne Muuse Biixi Loo dhigay madaarka lagu sood hawaynaayay ee Itoobiya rooga cas,waxaana soo dhaweeyay wasiirka arimaha dibada iyo  wasiirka gaadiidka ee Itoobiya, iyada oo intaas kadib loo gudbiyay xanunta madaxtooyada oo uu ku qaabilay raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Madaxeyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay sidii loo dardar galin lahaa cilaaqaadka ay wada leeyihiin labada dal laysaga kaashan lahaa arimaha nabadgalyada, dhaqaalaha, siyaasada iyo qodoba kale.

Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay inay ka wadahadleen arimaha muhiimka u ah labada dal gaar ahaan nabadgalyada,kor u qaadista dhaqaalaha,ganacsiga waxaana hadaladisa ka mid ahaa ““Waxa aanu ka wada xaajoonnay arrimaha ammaanka, waayo waxa aanu aaminsannahay in amniga Itoobiya uu ku xidhan yahay amniga Somaliland, amniga Somalilandna uu ku xidhan yahay amniga Itoobiya.”

Raysal wasaaraha Itoobiya oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa aanu hadda ka horba Somaliland la bilownay in aanu ka wada shaqayno jidka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), waana aanu sii wadaynaa, annaga oo kaashanayna dhinacyada aanu wada shaqayno, si aanu horumarkasa wada jir, uga wada faa’idaysanno.”

Socdaalka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaaya kii labaad ee uu dalka kaga baxo tan iyo intii loo dhaariyay xilka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here