Wasiir Sheegay In Awoowgii Uu Sameeyey Xuduudka U Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland, Ciidanka Qarankuna Ay Tegi Doonaan

40
3820

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa Puntland ugu baaqay inay ku eekaadaan xuduudooda si aan looga qaxin Garoowe ama Laasacaanood, waxa uu wasiirku luuqad adag ku sheegay in awoowgii uu jeexay xuudka Somaliland iyo Somaliya isla markaasna uu ku adkaan doono ilaalinta xuudkaas.

Saleebaan Cali Koore oo warbaahinta la hadlaayay ayaa ku tilmaamay Garoowe magaalo horumartay se haatan ay hortaalo dhibaato keensan kata in laga qaxo, waxaana isaga oo xafiiskiisa Hargeysa warbaahinta kula hadlaayay uu yidhi “Waxaan leeyahay qarankani waa uu isku filan yahay inuu is difaaco oo xuduudihiisa gaadho cidna duulaan kuma aha, ma rabno in cid Soomaali ah aanu dhibno ama dhib loo gaysto, 25-tankii sano ugu danbeeyay waxay dadkayagu noqdeen kuwa ugu hooseeya ee kaabayaasha bulashada hela waxbarasho iyo biyo nadiif ah waxaasna waxa ka masuul ahaa dad xuduudka Garoowe ku ilaashanaya.”

Wasiir Saleebaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Reer Garoowe ayaan la hadlayaa dalka waynu ku wada noolaan jirnay ilaa Ingiriis, markii Somaliya la ahaa sidaynu xuduudaha u kala lahayn waad garanaysaan, xuduuda Garoowe meesha ay martana waad garanaysaan, Garoowe waa caasimad weyn oo ka mid ah caasimadaha ay dadka Soomaalida ah ay ku nool yihiin,waxaan leeyahay bashbash iyo barwaaqo iyo badhaadhe ayaad qabtaan horumar ayaad haysataan, waa kuwii dadka deegaanku diiday inaad koontaroolka aad soo durkisaan oo waxii ka dhacay waydinkii ogaa, laba uunbay taagantahay oo Laasacaanood iyo Garoowe mid uunbaa qaxaaya hadii aad sii wadaan dagaalka iyo reer habelnimada, awoowgay ayaa xuduudka sameeyay 110 sanadoo ka hor, Koore ayaa sameeyay xuduudka nin beesha dhexe ahna ma samayn Ingiriisna ma  samayn waxaan wali ku adkay in xuduudkayagu uu xuduudkaas yahay oo aan Somaliland ahay oo xuduud caalami ah oo kala jeexan aynu kala leenahay. dadka Deegaankaas ka soo jeeda ee reer Somaliland-na waxana leeyahay waynu dhaafnay wakhtigii dadka loo haysan lahaa cudhaadha, dadkani waxay u codeeyeen madaxweynaha maanta dalka xukuma, reer Garoowena waxay haystaan laba doorasho mid uun in nabad lagu wada noolaado oo ay gartaan inay magaalo horumartay joogaan oo aanu jecelnahay inaanu ku ixtiraamno anagana sidaas aanu deegaankooda ugu ixtiraamayno inay kaayaga noogu ixtiraamaan.”

Ugu danbayntii wasiir Saleebaan Cali Koore oo la hadlaayay dadka deegaankooda ka soo jeeda ee Puntland jooga waxa uu yidhi, “Way dhamaatay wakhtigii Garoowe hadalka laga hayn jiray ee dadkiina ka mid noqda oo hadii aad isimo tihiina waa idiin banaan,hadii aad aqoon yahan tahayna shaqo iyo waxii aad u baahan tahay waanu kuu haynaa, waxaan aad iyo aad ugu celcelinayaa ciidankaasi nabad ayuu ku tagayaa xuduudiisa cid uu duulaan ku yahay ma jirto, intuu meeshaas fadhiyayna waad ogaydeen cid uu dhib u gaystayna lama arkin, laakiin waa qasab hadii uu arko in weerar lagu hayo inuu talaabo qaado, waa ku qasban yahay, waana caalami in cidkasta oo la kulanta wax naftiisa iyo maalkiisa ku khatar ah cid kastaa jawaab ayay ka bixisaa, hadii kale nabad ayuu ku joogayaa deegaanka uu maanta joogo”

Maalmihii ugu danbeeyay maamul gobaleedka Puntland ayaa ku baaqayay dagaal ay ku soo qaadayaan ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida hore ee Tukoraq iyo Godmadoobe, arintaas oo ay Somaliland kaga jawaabtay inay dalkeeda difaacayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here