“Xildhibaan Dhakool Sidaan Ku Ogaa Qaranka Ayuu Ku Gafay,Qarankana Reerkiisa Ayaa Raaligelin Ka Bixiyay “

0
694

Guddoomiyaha Golaha Guurtida           

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa  markii u horraysay ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool, isla markaana waxa uu sheegay in Xildhibaanku ku gafey qaranka Somaliland. Guddoomiye Saleebaan oo furay kal-fadhigii 69-aad ee golaha guurtida kadib warbaahinta la hadlay ayaa  yidhi, ” Xildhibaan Dhakool sidaan ku ogaa qaranka ayuu ku gafay,qarankana reerkiisa  ayaa raaligalin ka bixiyay oo aan maqlaayay.”

Waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka Xisbiyada waxaanu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo uu ogyahay oo ka dhexeeya Xisbiyada Qaranka “Axsaabtu waxay aqbaleen in doorasho la galo, doorashaduna uma baahna baan qabaa hal xisbi doorasho geli mayno haddii uu yidhaa dee inta hadhay ayaa geli. “

Waxa uu sidoo kale sheegay in dalka ay ka jiraan colaado isla markaasna uu xukuumada wadahadal kala soo gali doono sida wax looga qaban lahaa xaalada isa soo taraysa, waxaaanu mudanayaasha golaa guurtida u sheegay inay sugaan inta uu xukuumada kala soo kulmaayo xaalada dalka “Dagaalo waaweyn oo socdaana ma arko hadana colaadu waa ay badantahay ninka iyo labada dhimanayaa way inagu badan yihiin, barigaas ayaana ugu daran, dawladiina ku rafaaday inagana inay iyagu ku jiraan inaynu ku talo xumowdo maan jeclayan laakiin colaadaasi dami wayday oo maalin walba ninbaa la dilayaa oo laba ayaa la dilayaa ciidamo bariga u sii kacayaana waan maqlayaa, dhiiladaasi waa ay inagu weyntahay dawladana waan is arkaynaa waan idinku soo warcelin doonaa,Tii Lughaya ee Ciisaha iyo Samaroonta tiina wali wax xal ah oo ay heshay ma jirto, iyaga ayaaba ladnaa oo waxay yidhaadeen waan idin sugaynaa oo waa dabayl caafimaad, waanay mahadsan yihiin, waa hawlo inoo yaala Dhulbahante malaa isagu dagaaladiisii dhamaysay nimankaasi waxaad moodaa inay colaadahoodii iyo dagaaladoodii ay dhamaysteen alle sidaas khayar haynooga dhigo, aadna waa ay ugu mahadsanyihiin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here