Caaqil Rashiid Jaambiir oo ka hadlay nabadda Ceel-afweyn

0
561

 

Hargeysa (Geeska)-Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo ka mid ah Cuqaasha iyo Madaxda dhaqanka Somaliland ee qaybta ka ah heshiiska labada Beelood ee Ceel-afweyn, ayaa labada Beelood ee wada dega Deegaankaas, ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska, kana dheeradan wax kasta oo ku keenaya colaad dambe, oo dhex marta.

Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo ku sugan Ceel-afweyn ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay“Boqolkiiba boqol meel fiican ayey hadda wax marayaan, ALLE ayaana nas inoo soo rogay, rajo weyna ayaan  ka qabaa in aanay colaad dambe ka soo noqon doonin Ceel-afweyn, heshiis dhamaystiran oo la isku af gartay wuu dhacay, qodobo lagu wada kalsoon yahayna waa la soo saaray, waxaan se labada Beelood leeyahay dantiinu waxay ku jirtaa idinkoo ilaaliya walaaltinimadiina, wada dhalashiidana iyo wada jirkiina,maxaa yeelay idinka ayaa isku deegaan ah, idinka ayaa isku ood ah, oo is huran, cid iska kiin xigtaana ma jirto, ee labada beelood ee Ceel-afweyn waxaan leeyahay heshiiskaas aad wada qaadateen waligiin ilaaliya, oo fidno dambe iyo colaad dambe yaanay dhicin insha allaaha, waxaana aad iyo aad ugu mahadnaqayaa ALLE saxanaad iyo khayr ha siiye cid kasta oo ka qayb qaatay heshiiska labadan Beelood ee walaalaha ah”.

Wuxuu caaqilku hadalka ku soo gunaanaday “If iyo akhiraba naxariista ALLE weynu u baahan nahay, ee ALLE mar kasta waxaynu ka baryeynaa naxariistiisa iyo khayrkiisa inuu ina siiyo, Suldaanka iyo dadkeena xanuunsanayaba waxaan ugu ducaynayaa inuu ALLE caafimaad siiyo, xanuunkana ka dulqaado”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here