Madaxweyne Biixi, Cirro Iyo Faysal Oo Ka Hadlay Xubnihii Mucaaradka Ku Matali Lahaa Komiishanka Oo Waayey Kalsoonida Wakiillada

0
611

Hargeysa (Geeska) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay diiday inay ansixiyaan Labada xubnood ee Xisbiga WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen inay uga mid noqdaan komiishanka doorashooyinka Qaranka.

Fadhi ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland isla-markaana ay Goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Xisbiyadu ay u soo Magacaabeen Komiishanka, ayaa Xildhibaannadu mid mid ugu gacan taageen, laakiin midna ma helin Tirada Codadkii uu ku ansixi lahaa.

Cabdifataax Ibraahim Xasan oo Xisbiga UCID ku matali lahaa Komiishanka ayaa waxa u codeeyay oo ogolaaday 29 Xildhibaan, waxa diiday 8 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan.

Sidoo kale, Cabdikariin Maxamuud Siciid (Dalmar) oo ah Xubinta uu Xisbiga WADDANI u soo Magacaabay Komiishanka waxa u codeeyay isla-markaana ogolaadya 31 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan, waxaana diiday 6 Xildhibaan.

Labada Xubnood ee Xisbiyada WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen inay Komiishanka uga mid noqdaan ayaa mid walba laga rabay inuu helo 41 Cod, laakiin midna ma gaadhin Tiradaasi.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Xilli dambe oo Shalay ah ka hadlay go’aanka Xildhibaannada Golaha Wakiilladu aanay ku meel-marin labada Xubnood Xisbiyada Mucaaradka ah uga qayb-geli lahaa Komiishanka, ayaa sheegay in aan la filayn go’aanka caynkaas ah, maaddaama xilligan uu dalku ku jiro marxalad adag oo loo baahan yahay Midnimo.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Golaha wakiilladu waa sharci oo way madax-bannaan yihiin, go’aankoodana iyagaa xor u ah, sharciyan baannu taas u arkaynaa, waanna aqbalaynaa wixii ay soo saareen oo ma diiddanin, laakiin talada dalka iyo danta dalku Maanta waxa  ay ku jirtaa inaynu is wadanno, Komishanka dhibtiisu waxa uu ina gaadhsiiyey laba sano iyo dheeraad, wejiyaal badan buu lahaa, khilaaf badan baa ka jirey, weynu soo af-jarnay. Iyada oo dalku maanta midaysan yahay oo wax walba laga heshiiyey oo xisbiyadii mucaaridka ahaa la oggolaysiiyey inay labadii keenaan oo ay ahayd inaynnu midnimada u dhaqaaqno oo aynnu doorasho higsanno, midnimada iyo wada-jirka dalkuna ku jireen Maanta inay ansixiyaan labadaas xubnood, arrintaasi maanta kammaannu filayn, qarankuna kama uu filayn, sabab loo soo celiyo nimankaas, waase gole oo waa u xor wixii uu gaadhay, laakiin waanu ku soo celin doonaa..”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay Xisbiyadu dib isugu noqonayaan “Goluhu wuu Madax-bannaan yahay, laakiin waxaan Shacabka u sheegayaa inaan Diidmadaasi waxba ka beddelayn inay doorashadu qabsoonto, Arrinta Xubnahaa la diidayna Talo ayaa la isugu noqonayaa, Axsaabtu talo ayay isugu noqonaysaa, Xukuumadduna way isku noqonaysaa sidaa Madaxweynuhu sheegay, Golahana waa laga talo-gelinayaa, arrintaana xal ay doorashadii ku socoto ayaynu ka dhalin doonaa..”

Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “Waxaanu leenahay Caqligu ha shaqeeyo, Ficiltanku haka baxo meesha.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here