Boqor Buurmadoow Oo Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Mucaaradka Ku Eedeeyay Inay Burburinayaan Dimuqraadiyadda Somaliland

0
240

Hargeysa (Geeska) – Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa dhaliilay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID, waxaanu ku eedeeyay inay isku bahaysteen inay burburiyaan Nidaamka Dimuqraadiga ah ee Somaliland ku dhaqanto.

Boqor Buur-madow oo daba socda hadal Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka kaga hadleen Golaha Wakiillada oo Shalay diiday inay ansixiyaan laba Xubnood ee WADDANI iyo UCID uga mid noqon lahaa Komiishanka cusub, ayaa Madaxweynaha iyo Labada Guddoomiye ku eedeeyay inay ku heshiiyeen inay labada Xubnood ee Goluhu diiday inay ku soo celiyaan isla-markaana awood u adeegsadaan in la ansixiyo, taasi oo uu ku sheegay inay tahay Sharci-jabin.

Buur-madow oo ugu horrayn ka hadlaya go’aanka Golaha Wakiilladu ku diideen inay ansixiyaan labada xubnood ayaa yidhi  “Golaha Wakiillada waan hambalyeynayaa, waxay qabsadeen Waajibaad Dastuuri ah oo ay leeyihiin, waxaanan aaminsanahay in mar walba la ixtiraamo sharciyadda iyo Sharci-dejinta oo aan la baal-marin, sidaasi darteed aad iyo aad. Waxaan leeyahay Golaha Wakiilladu waxay ilaaliyeen Dastuurka Somaliland iyo sharciyadda Dalka, wayna ku mahadsan yihiin.”

Boqor Buur-madow wuxuu Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad u jeediyey eedaymo “Saddexdan Hoggaamiye, waatay hore u burburiyeen dimuqraadiyaddii Xisbiyada oo waatii Nin walba Ninkii Xisbigiisa ah ee hadla Xisbiga ka saaray ee cunaha ku dhegay, Maantana waxaad mooddaa inay ku heshiiyeen inay burburiyaan Labada Gole ee Sharci-dejinta ah oo intii dimuqraadiyadda u dambaysay. Waxay ku heshiiyeen anigu waan garanayaa, laakiin Dadka Shacabka ah ee Masaakiinta ahi ma garanayaan, waxay ku heshiiyeen inay soo celiyaan labadii Xubnood oo Madaxweynuhuna uu mar labaad soo celiyo, in Baarlamaanka la burburiyo oo arrinkaa la jiidhsiiyo weeyaan, qodobkaa in la diido oo laga gaashaanto ayaan qabaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu WADDANI iyo UCID u soo jeediyey inay laba xubnood oo cusub soo Magacaabaan  “Waxaan soo jeedinayaa, bahashu ma fogee inay laba xubnood oo cusub oo Baarlamaanku ansixiyaan ay keenaan (Xisbiyadu) oo ay aanay wakhtiga dheerayn.”

Boqor Cismaan Aw Muxumed oo la waydiiyey sida uu u arko hadal ay si wada-jir Shalay Warbaahinta u mariyeen oo ahaa in Baanka Adduunku uu si gaar ah ula Macaamilo Somaliland, ayaa ku jawaabay “Waxaan leeyahay, 30 Sanadood ayay siyaasiyiinteenu been inoo sheegayeen oo Dadka gidaar ku wareejinayeen, waxaan qabaa Heshiisyada DP World, arrinkii Hawada ee aynu heshiiska ka galnay, Sanduuqa SDF iyo Shirkii David Camaron hoggaaminayey ee ay wada galeen Siilaanyo iyo Dawladda Federaalku ee Caawimada la inoogu soo daayey, waxay ahaayeen heshiis inta aynu Golaha soo fadhiisanay aynu wax ku kala goosanay, sidaasi darteed waxaan leeyahay waar Dadka been ha u sheegina oo cidlo haku war-wareejinina, Dawladdaa Soomaaliya ayay wax inagaga xidhan yihiin ee aynu hor fadhiisano oo aynu si walaaltinimo ah u wada-hadallo oo aynu si walaaltinimo ah wax u kala goosano.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu soo jeediyey inaan Soomaaliya looga cararrin wixii Somaliland xaq ugu leedahay Beesha Caalamka, “Ha uga cararrina waxaad xaq u leedihiin, waxay ahayd inay tagaan Qaramada Midoobay, IGAD, Beesha Caalamka hor-fadhiistaan oo ay yidhaahdaan hala na wada hadashiiyo, Maanta waxay ahayd inaynu ku wada-hadallo hala noo qaybsho (Waxa Baanka Adduunku bixinayo), Beentan ay sheegayaan, haddana aanu ognahay inay habeen oo dhana ay Telefoonnada hoosta uga wada dirayaan Villa Soomaaliya.”

Boqorku wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Qaddiyadda Madax-bannaanida loo socdo “Qaddiyaddu waxay doonaysaa in loo socdo, Albaabkii Jabuuti waynu xidhnay, kii Itoobiya waynu xidhnay, kii Soomaaliya waynu xidhnay, Dawladdii Siilaanyo ugu yaraan Dawladda Soomaaliya waxay la lahayd Wada-hadallo, Caalamka Wada-hadal bay la lahayn, Albaab-baa jiray, Dawladdii Rayaale sidaas oo kale ayay ahayd. Siyaasaddu maaha Colaad iyo Af-xumo laga yidhaahdo Telefiishannada, ta kalena Ummaddu hal-abuur bay u baahan tahay, haddii dhaqaalaha yar ee dalka ka soo baxaa Dadku ka bakhtiyayaan oo aanay Madaxtooyada dhaafayn, Madaxtooyaduna aanay Dadka hal-abuur u samaynayn, Dadkii aanu horumar gaadhayn, Gobolladii barigu bakhtiyayaan, wax dhaqdhaqaaq ahi soconin, Somaliland ku socon mayso ‘Aan Ooyee albaabka ii xidha’….iyo afkoo kor loo taago. Soomaaliya waa inoo diyaar inaynu wada-hadallo, Bulshad Caalamka ayaa innagu hoggaaminaysa inaynu wada-hadallo, markaa Albaabka aynu furno oo aynu wada-hadallo, Baanka Adduunka iyo Cid walba Albaabkiisu wuu inoo furan yahay ee aynu la hadallo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal uu Telefiishanka Horyaal Waydiiyey, taasi oo nuxurkeedu ahaa in xurguf dhex taallo isaga iyo Madaxweynaha “Geed haddaad Beerto, waxaad xaq u leedahay intuu yar yahay inaad toosiso, laakiin hadduu Qalooc ku waynaado, Qaloocaa inaad ku isticmaasho mooyaane waxba kama qaban kartid, Madaxweynaha Dadkii beeray baan ahay, Madaxweynuhu waa Geed aan si Qalooc ah u beernay, Maantana ma jabin karno, kama hor-iman karno, qaloociisaa in lagu ilaaliyo ayuun bay u baahan tahay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here