Xuska Sannad-guurada 25aad Ee Ka Soo Wareegtay Geeridii Mujaahid Ibrahim Koodbuur

1
1227

koodHargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa lagu qabtay xuska sannad guurada 25aad ee ka soo wareegtay geeridii Alle haw naxariiste Marxuum Ibrahim Koodbuur, oo ka mid ahaa mujaahidiintii qaybta libaax ka qaatay halgankii dib u soo celinta xorriyadda Somaliland ee SNM.

 

Xuskaas loo qabtay waxa ka qayb galay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, Mujaahid Xasan Guure, oo ka sheekeeyay geesinimadii Marxuum Ibrahim Koodbuur iyo weliba dagaaladii uu guusha ka soo hooyay.

Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa ka sheekeeyay taariikhda Marxuum Ibrahim Koodbuur, waxaanu si gaar ah uga waramay hawlgalkii badjeex ee uu hormuudka ka ahaa Marxuum Ibrahim Koodbuur oo lagula baxay marxuum Cabdillaahi Askar Faarax.

Maxamed Kaahin Axmed, oo  ah guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda kala duwan ee Ibrahim Koodbuur, waxaanu si gaar ah uga hadlay doorkii uu ku lahaa halgankii SNM. Mujaahid Xasan Guure, ayaa isna si hufan uga warbixiyay taariikhda Ibrahim Koodbuur.

Alle haw naxariiste ka sokow halgankii SNM waxa ay bulshadu si weyn ugu xasuusataa Marxuum Ibrahim Koodbuur hawlgalkii isagoo hoggaaminaya mujaahidiin kale ay kula baxeen Marxuum Cabdillaahi Askar, oo ay dawladii Maxamed Siyaad Barre xidhay, waxaanu hawlgalkaasi noqday mid ka mid ah dhimbiilihii huriyay halgankii SNM.

Comments are closed.