Rabshadaha Hadheeyay Waqoyiga Magaalada London Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
974

rabshado

 

London(Geeska) Rabshado waawayn oo dhiig ku daatay hanti badana ay ku baaba’day isla markaana hakad galiyay isu socodka gaadiidka dadwaynaa, ayaa ka dhacay waqooyiga magaalda London, halkaas oo ay isku hor imaadyo ku dhex maryaan ciidamda booliska iyo dhalinyaro cadhaysan.

Rabshadan ayaa ka dhacayay Enfield,  Dalston iyo  Hackney ee waqooyiga magaalada London gaar ahaan xaafadaha Tottenham, Edmonton, Wood Green, West Norwood, Green Lane, Mare St, Notting Hill iyo deegaano kale oo ku xeeran, iyadoo bililiqo xoogan iyo boob lagula kacay dukaamo waa weyn oo ku yiil goobahaas iyo xarumo ganacsi.

Rabshadahan oo socda maalintii sadexaad oo xidhiidh ah waxay ka dhasheen dil ay ciidamadu Booliisku u geyteen nin 29 jir ah oo lagu magacabi jirey Mark Duggan ninkaas oo looga shakisan yahay in uu yahay kooxaha dambiilayaasha iyadoo ciidamadu Booliisku ninkaas markii ay toogteen la sheegay in uu hubeysnaa oo uu rasaaseeyey Booliiska, isla markaana uu ka dhaawacay laba nin, waxaana ninkan uu ka mid ahaa dhalinyarada caanka ka ah waqooyiga London gaar ahaan deegaanada ay ku badan yihiin dadka asalkoodu ka soo jeedo madowga.

Kooxo dhalinyaro ah oo aad u cadheysan kana dhiidhiiyey dhilka loo geystey Mark Duggan ayaa isugu soo baxay wadooyinka xaafadaha waqooyiga Magaalada London waxaana ay dab qabadsiiyeen mid ka mid ah basaska labada dabaq ee gaadiidka dadweynaha, laba baabuur oo ay lahaayeen ciidamada Booliiska, dukaamo iyo dhismayaal ku yiil wadada Tottenham

Rabshadahu waxay ku faafyeen deegaano kale oo fara badan waxaana ciidamada Booliisku ay si toos ah isku farasaareen dhalinyaradaas waxaana la dhaawacay tobanaan ka mid ah ciidamada Booliiska, iyadoo sidoo kale la qabqabtey in ka badan 100 dhalinyarada rabshadaha wada.

Guud ahaan waxaa istaagey gacansigii deegaanadaas waxaana albaabada loo laabay xafiisyadii ku yiil goobahaas, iyadoo sidoo kale ay xidhmeen wadooyinka, waxaanay rabshadaahu u muuqdaan kuwo xadka ka sii baxaya.

Goobaha caanka ah ee la bililiqaystey waxaa ka mid ah dukaan caan ah oo ku yiil deegaankaas kaas oo lagu magacaabo JJD Sports, iyagoo dukaankaas ay gudaha u galeen oo ay jabsadeen kooxo bililaqystayaal ah oo rartey isla markaana boobay wixii halkaas yiil.

Rabshaduhu waxaa laga baqayaa inay ku faafaan deegaano kale oo ka mid ah magaalada London waxaana la sheegay in albaabada la isagu laabay suuqa weyn ee Stratford Shopping Centre oo ku yaal Bariga magaalada London, sidoo kale suuqa caanka ah ee lagu magacabao Westfield oo ku yaal Galbeedka magaalada London isla markaana ah suuqa ganacs ee ugu weyn Yurub ayaa la aaminsan yahay in uu ka mid yahay meelaha calaamadeysan, iyadoo la dhisay gidaaro lagu adkaynayo amaanka suuqadaas oo ah kuwo ku meel gaadh ah.

Xoghayaha arimaha gudaha Britain Home Secretary Theresa May waxay soo afjartey socdaal dalxiis ah oo ay xagaaga ku qaadanaysay wadanka Biritain dibadiisa, iyadoo dib ugu soo laabatey London si ay xaaladan halista ah u wajahdo.

Saraakiisha Booliiska gaar ahaan Scotland Yard waxay balanqaadeen in wadooyinka magaalada London lagu baahin doono ciidamo dheeraad ah oo Boliis ah, iyadoo ciidamada Booliisku ay isku diyaarinayaan caawa rabshadaha habeenkii sadexaad oogan.

Rabshadahan waxaa ka qayb qaadanaya dhalinyaro aad u yar yar oo 20 sano ka yar, kuwaas oo Booliiska kula dagaalamaya quraarado gaas ku jiro, dhagaxaan, dab iyo waliba mindiyo.

Rabshadaha ayaa si xoogan u socda waxaana la sheegay inay ku faafayaan degmooyin hor leh.