Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweynaha Jabuuti U Soo jeediyey Inuu Garab Istaago Qadiyadda Somaliland

0
658

 

Burco (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay Safarka uu Madaxweynaha Somaliland ku joogo dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha UCID oo safar ku jooga Gobolka Togdheer, ayaa khudbad uu ka jeediyey Munaasibad wuxuu ku soo hadal-qaaday Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay Jabuuti iyo sidii loo soo dhaweeyay, waxaanu sheegay in Roog Cas oo loo dhigo Madaxweynaha Somaliland iyo Ubax loogu dhiibo Garoonka diyaaradaha ay reer Somaliland ka jecel yihiin Kalmad wanaagsan oo Ismaaciil Cumar Geelle uu Fagaareyaasha Caalamka uga yidhaahdo Somaliland.

Faysal oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan arkayey Madaxweynaheena oo Jabuuti tagay, Qadiifad loo dhigay, Ubaxna loo dhiibay, Annagu waxaanu Ubaxaa ka jeclayn Ismaaciil (Madaxweynaha Jabuuti) oo kalmad wanaagsan noo yidhaahda oo ah inaanu dal ahaan jirnay, oo Wallo-weyntan uu u tagayo ee aan jirin uu ku yidhaahdo Dalkani dal idinku soo biiray buu ahaa oo 4.5-ka aad sheegaysaan muu jirin.”

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle “Ismaaciil waxaanu leenahay sidii aanu kuugu shaqaynay ee aanu halganka kuugu galnay noogu shaqee, jaarnimada eeg, Gacalnimada eeg, Taariikhda eeg, Cadaaladda eeg.” Ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office