Dibindaabyada Hay’daha UN-ta Iyo Samafalku Ku Hayaan Wadanka Oo Laga Digay

0
1106

CAAWIMOHargeysa(Geeska)-Xarunta cilmi baadhista iyo falanqaynta ee Somaliland (SOMALILAND CENTER FOR RESEARCH AND STRATGIC ANALAYSIS (CRSA)), ayaa ka digtay dibin-daabyada ay dalka iyo qaranimada Somaliland ku hayaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale e samofalku.

Daraasaad ay xaruntaasi samaysay oo ay soo ururiyeen, ayaa waxa ka muuqda dabinada ay hay’adahaasi u maleegayaan qaranka Somaliland, waxaanay warbixinta xarunta cilmi baadhistu u qornayd sidan:  “Daraasadaha horudhaca (draft) oo ay xarunta cilmi baadhista iyo falaqaynta straatiijiyada ka samaysay Hayadaha caalamiga ah qaarkood,

Sida la ogyahay Waxa jira in muhiimada u horeysa ee shacab iyo xukuumadba qaranka Somaliland leeyahay ay tahay in la helo aqoonsi caalami ah, taasoo oo dadaal badan oo naf iyo aduunba leh lagu bixiyo, si himiladaas looga midho dhaliyo, hadaba waxa arintaas dhinac socda shirqoollo lagu hor istaagayo arinkaas aqoon raadista Somaliland, shirqoolladaas oo ah qaar toosa iyo qaar dadbanba.

Inkasta oo shirqoolladaha cadowga Somaliland aad u badan yihiin, haddana waxa aan warbixintan ku eegaynaa laba qaybood oo garab maray ujeeddii loo abuuray. Labadaas qaybood waxay yihiin:

1.Hay’adaha Qarammada Midoobay iyo

2. Haay’adaha Samafalka caalamiga ah.

HAY’ADAHA QARAMMADA MIDOOBAY

Dagaalka hay’adaha qarammada midoobay ay kula jiraan qarannimada Somaliland, si toos ahiyo si dadbanba, waa qaar soo jiray ilaa bilowgii sagaashanaadka oo ay hormood ka ahayd UNOSOM.

Shirkii Boorama ee 1993 ee dib loogu dhagax dhigay hannaanka dimuqraadiga ah ee Somaliland oo ku hirgalay aqoonta iyo dhaqaalaha shacbiga Somaliland UNOSOM waxba kuma ay darsan, balse way dibindaabyeysay oo xataa dhismihii Booliska way diidday inay gacan ka geysato, taasoo keentay madaxweynihii Somaliland Maxamed haji Ibrahim Cigaal uu dalka ka eryo.

Tii tu aan ka yarayn buu maantana wadaa xafiiska wakiilka xoghayaha qarammada midoobay, Nicholas kay, isaga oo adeegsanaya xafiisyada kale ee UN-ta sida  UNDSS iyo UNDP. Waxa xafiiskani had iyo jeer ka baahinayaa warar been ah oo xagga amniga ah isagoo Somaliland ku sheega meel aan nabad ahayn, iyada oo dunidu ka dheregsantahay heerka nabadeed ee Somaliland. Xafiiskan oo had iyo jeer dhaqaale badan ku cuna xaaladaha amnidarrada ayaa ku foogan siduu u noqon lahaa xaalad abuur. Warbixintii ugu dambaysay ee uu ugu magacdaro daily Situation Report waxa uu ku sheegay in Somaliland aanay nabad ahayn isagoo kala mid dhigay Muqdisho, marka laga reebo laba gobol oouu ladnaan ku sheegay.

Xarunta CRSA waxa ay soo bandhigi doontaa warbixin intan ka dheer oo tifaftiran oo arrimahaas ku saabsan.

HAYADAHA SAMAFALKA

Waxa jirta in haydaha samafalka ee ka hawlgala wadanka qaar ka mid ahi ay ku talaabsadaan arimo wax yeeli kara doodda Somaliland ee ah inuu yahay dal leh xuduudo la yaqaano,  waxaan halkan kusoo bandhigaynaa in labada hayadood ee CARE INTERNATIONAL iyo ADESO oo ka hawlgala Somaliland  gaar ahaana gobolada Bari, taas oo iyagu labadan hayadood ay u aqoonsanyihiin in Gobalada Sanaag Bari ay ka mid yihiin maamul goboleedka Puntland, isla markaana runqada shaqo uga soo qaataan maamul goboleedka Puntland, waxa warbixintan ku lifaaqan  laba fursad shaqo oo ay baahinayso Hayada Care international  taas oo goobta shaqaduna tahay Badhan muddadii shaqaduna aanay weli xidhmin. H addaba sida ay CARE u baahinayso codsiga waa sidan:

CARE INTERNATIONAL IN SOMALIA/SOMALILAND

Senior Programme Officer ( Badhan, Puntland)

2 Programme Officers ( Badhan, Puntland)

Hay’adda ADESSO iyana baahintii shaqo ee ugu dambaysay waa tan:

Organization: ADESSO

Position Type Short-term consultancy

Position location: Mudug, Sanaag, Puntland

Waxa jira in ay Xukuumada Somailand leedahay Hayado ama Wasaarado ay tahay in ay la socdaan shaqada ay hayaduhu qabanayaan nooca ay tahay waxaase cad in xafiiskii qaabilsanaa aanu ahayn mid la socda hawlahan iyo kuwo badan oo kale oo la mida.

CRSA waxa ay ugu baaqaysaa

In xukuumaddu ka yeelato baraarugsanaan, si weynna ula socoto waxa ay ku hawllanyihiin hay’adaha marinkooda ka weekday ee huwan magaca samafalka.

In wasaaradaha qorshaynta, shaqada iyo arrimaha bulshada, arrimaha gudaha iyo arrimaha dibeddu xoojiyaan wada shaqaynta iyo ka warhaynta arrimaha amniga, shaqada iyo shaqaalaynta, iyo ilaallnta qarannimada iyo sharafta qaranka Somaliland.

In loo yeedho madaxa qarammada midoobay iyo hayadaha samafalkaba oo lagula xisaabtamo hawlaha ay wadaan.

In hay’adda ay ku caddaato arrimo ku lid ah qarannimada Somaliland laga qaado tallaabo adag.

In shacbiga Somaliland ilaashadaan dalkooda oo xukuumadda kala shaqeeyaan arrimaha amniga iyo qarannimda ku saabsan.

Waxa Xarunta CRSA si gaar ah farta ugu fiiqaysaa wasaaradda Qorshaynta oo iyadu hawlaheedii gabtay, si weynna ugu seexatay. Wasaaraddaasi waxa ay u baahan tahay in farogelin weyn iyo la xisaabtan lagu sameeyo.”