Madaxweynaha Somaliya Oo Si Cad U Diiday Isku Shaandhaynta Uu Sameeyay Raysalwasaaruhu Iyo Khilaaf Bilaabmay

0
693

Picture8Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah u qaadacay isku shaandhayn uu raysalwasaaraha Somaliya Cabdiweli Sheekh Maxamed shalay ku sameeyay xubno ka tirsan golahooda wasiirada.

Khilaaf ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Sheekh Axmed, ka dib markii uu raysalwasaaruhu shalay isku shaandhayn ku sameeyay xubnaha golaha wasiiradiisa, isagoo si gaar ah u abaaray mid ka mid ah raga madaxweynaha ku dhow dhow. Raysalwasaaraha ayaa isku shaandhayntiisa, wuxuu ku abaaray wasiirka arrimah garsoorka iyo federaalka Faarax Sheekh Cabdiqadir, isagoo u magacaabay wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa, waxaanu xilkiisii u magacaabay masuul kale. Hase yeeshe warsaxaafadeed uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xalay soo saaray wuxuu ku cadeeyay inaanay waxba ka jirin isku shaandhayntaas. “Aniga oo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, ilaalinayana habraaca dawliga ah, quwaaniinta iyo shuruucda dalka u deg san, waxaan go,aamiyey:

Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Rai-sul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014; In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Octoober 2014.” Ayuu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxweynaha Somaliya.  Wuxuu raysalwasaarihiisa ku eedeeyay inuu dhawr goor ku talaabsaday arrimo sharci darro ah oo uu sheegay inuu si guud uga waaniyay. Khilaafkan ayaa u muuqda inuu xadhkaha goostay, ka dib markii uu muddo huursanaa.