Labada Garab Ee Golaha Wakiilada Oo Maanta Isugu Imanaya Fadhi Xaasaasi Ah Oo Ay Isugu Dhaarsanyihiin Iyo Ergo Is Xilqaantay Oo Dedaal Wadda

0
515

Picture9Hargeysa(Geeska)-Fadhiga aan caadiga ahayn ee la filayo inay mudanayaasha golaha wakiiladu maanta isugu yimaadaan, ayaa waxa la filayaa inay isku waajahaan labada garab ee xildhibaanada ee kala ah mucaaradka iyo muxaafidka. Fadhigan aan caadiga ahayn ayaa socon doona laba maalmood.

Fadhigan maanta iyo beri oo uu guddoomiye Cirro hore u shaaciyay una qorsheeyay in manta codka kalsoonida loogu qaado xubnaha guddiga doorashada, berina looguna yeedho wasiirka maaliyadda oo miisaaniyada sannadka soo bandhigi doona, ayaa waxa soo waajahay caqabado, ka dib markii ay xildhibaanada muxaafidka ahi ku hanjabeen inaan labadaas qodob midna lagaga hadli doonin ee laga wada hadli doono qodobo ay sheegeen inuu guddoomiyuhu ku sii darsaday xeerka diiwaangelinta oo ay golaha guurtidu soo celiyeen.

Xildhibaanadan ayaa guddoomiye Cirro ugu hanjabay in haddii uu wax ka qaban waayo qodobada ay sheegeen inuu ku daray xeerka diiwaangelinta ay golaha soo dhigi doonaan mooshin maamuus ka xayuubin ah. Hase yeeshe xildhibaanada kale ee ka soo horjeeda garabkan muxaafidka ah ee sida weyn u taageersan guddoomiye Cirro ayaa iyaguna ku hanjabay inay golaha keeni doonaan mooshin maamuus ka xayuubin madaxweyne.

Guddoomiyaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna eedaha loo jeediyay ku xidhiidhiyay xukuumadda, isagoo sheegay in guriga madaxweyne xigeenka lagu soo warshadeeyay eedahaas.

Waxa iyaguna socda dedaalo wada hadalo ugu kala dab qaadaya guddoomiye Cirro iyo xildhibaanada ka soo horjeeda, laakiin dedaaladaasi si rasmi ah ugumay guulaysan isu soo dhawaynta dhinacyada.

Si kastaba ha ahaate, fadhiga maanta oo xiiso gaar ah leh ayaa waxa la filayaa inay labada garab ee golaha wakiiladu ku kala baxaan, waxaanay bulshadu si weyn indhaha ugu haysaa sida ay xaaladda goluhu noqon doonto fadhiga maanta ee golaha wakiilada. Ma guddoomiye Cirro ayaa fadhiga furi doona oo ku guulaysan doona in la bilaabo hawlaha uu fadhiga ugu baaqay mise garabka kale ayaa guulaysan doona oo fadhiga baajin doona.?