Wasaaradda Macdanta Oo Hargeysa Ka Furtay Bandhigga Cilmiga Tamarta Somaliland

9
902

Picture1Hargeysa (Geeska) –  Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Somaliland, ayaa huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa shalay ka furtay bandhigga Cilmiga Tamarta Somaliland, kaasi oo socon doono muddo saddex Maalmood ah.

Bandhiggan, ayaa waxa lagu soo bandhigay waxyaabaha laydhka laga dhaliyo, sida Solarka, girgirayaasha dhuxusha Madhxiya, shooladaha Gaasta lagu isticmaalo iyo kuwo dubaaradda leh, waxaana Madasha bandhigga la keenay qalabkan oo dhammaantood la diyaariyey isla-markaana loo diyaariyey in la isticmaalo iyo weliba dhuxul dhagaxda, waxaana Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu qalabkan oo dadka ka ganacsadaa soo bandhigeen ugu talo-gashay in dadku arkaan ama ogaadaan inay dalka ka heli karaan agabyo ay kaga maarmaan dhuxusha oo khatar dhinaca nabad-guurka ah ku haysa dalka iyo weliba laydhka caadiga ah oo qiimiisu aad qaali uga yahay Somaliland.

Furitaanka Bandhiggan, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Eng Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Qorshaynta qaranka, Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer guuraaga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, wasiir ku xigeenka hawlaha guud, xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa Madaxa hay’adda UNDP ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeedada iyo waxa ay uga dan leeyihiin bandhiggan, waxaanu yidhi “Carwadan aanu u bixinay “Bandhig Cilmiyeedka Tamarta Somaliland” waxaanu u qabanay inaynu hoosta ka xariiqno ahmiyadda Tamartu u leedahay Somaliland iyo sidii aynu qorshe uga qaadan lahayn horumarinteeda, waxa kale oo aanu uga jeednaa inaynu miisaano oo aynu daraasayno halka maanta Tamarta dalku joogto, meesha aynu u socono, caqabadaha ina hor-yaala, inay soo saarto xalka aynu kaga gudbayno caqabadaha innaga hor-yaala meesha aynu doonayno inaynu gaadhno, inaynu talooyin ka soo saarno marka aynu halkan ku gorfayno, inaynu abuuri karno tamar la awoodi karo oo jaban, nooceedu sareeyo, oo aadamaha dalka ku nooli uu iibsan karo, warshadana aynu ka samayn karno”

Wasiirka Tamarta, oo sii faahfaahinaya ujeedada iyo hadafka laga leeyahay bandhigan oo ah kii ugu horeeyay ee Wasaaraddu qabato, ayaa yidhi “Waxa kale oo ka mid ah waxa aanu uga jeedno Bandhigan, inaanu dib u eegno siyaasadda qaranku ka leeyahay qadiyadda Tamarta, inaynu ka soo saarno qorshe ah sidaynu u horumarin lahayn, qorshaha aanu xaqiiqo ahaan rabnaana waa sidii loo dhimi lahaa dhuxusha aynu shidano oo dhibaato weyn dalkeena ku haysa”

Furitaanka Bandhiggan oo ay ka hadleen Wasiirada Wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer Guuraaga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Qorshaynta, Dr Sacad Cali Shire iyo Weliba Madaxa hya’adda UNDP ee Somaliland oo bandhiggan Maalgalisay, ayaa waxa soo gunaanaday Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu halkaasi ka soo jeediyay baaq ku aadan in labada sanadood ee soo socda 30% la yareeyo soo saaridda dhuxusha, balse ugu horeyn ka hadlaya Muhiimada Bandhiggan ayuu yidhi “Waxaan ku faraxsanahay inaan ka soo qayb-galo kulan cilmiyeedka lagu gorfeynayo Tamarta Somaliland, waxaanan u mahad-naqayaa ciddii soo diyaarisay oo ugu horeyso Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Guuraaga iyo hay’adda UNDP.

Baaqa kama dambaysta ah ee aanu halkan ka soo jeedinaynaa baaqa dhuxusha, waxaanu salka ku hayaa (Bandhiggu) sidii xal loogu heli lahaa gumaadka iyo dabar-goynta lagu hayo dhirta, iyadoo yoolka la saarayo in la helo tamar bedasha baahida Tamarta ee qarankeenu u baahan yahay”

Md. Saylici, waxa kale oo uu ka hadlay “Tamarta dhuxushu waa ta isticmaalkeedu ugu badan, wakhtigan xaadirka ahna waxay noqotay mihnad dhalinyarada iyo dadka reer miyigu ay nolol maalmeedkooda kala soo baxaan labaatankii sanadood ee u dambeeyay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo uu sheegay in 80% la gumaaday dhirtii Somaliland “Waxaynu ka war-qabnaa in labaatankii sanadood ee u dambeeyay gubista dhirtu ay burburisay 80% dhirtii ama geedkeenii waynaa, taasoo dhul daaqsimeedkii xoolaheeni ku noolaayeen ku reebtay xaaluf, xooluhuna waa kuwa aynu 80%  dhaqaale ahaan ku tiirsanahay, iyadoo xoolaha lagu qiyaaso in dalkeena uu ka soo galo dhaqaaluhu 80% dhoofinta iyo ka ganacsiga xoolaha, Waxa intaasi dheer ciddii caafimaadka qabtay ee wax lagu beeri lahaa ay qaadeen biyaha roobku, kuna dareen badaha, taasoo ay sabab u tahay dhulka la qaawiyey ee dhirtii ciidda hayn lahayd laga shiday dhuxusha, taasina waxay dhalisay inuu afar laabmo nabaad guurka ku yimid dhulkeena 30-kii sanadood ee u dambeeyay, iyadoo natiijadu noqotay in wakhtiga dhow uu dhulkeenu isku bedali doono lama degaan, waxa ayaan daro ah markii dhirtii waaweyd la dhameeyay in loo soo jeestay geed gaabkii, taasoo dhalisay in bilo gudahood lagu gubo dhul kiiloo Mitiro ah”

Madaxwayne ku xigeenku, waxa uu ka hadlay qiimaha dhuxusha oo lixdii bilood ee u dambeeyay cirka isku shareertay “Lixdii bilood ee u dambaysay waxaynu la soconaa in qiimaha dhuxushu oo cirka isku shareeray oo jawaankii gaadhay $ 15 doolar, halkii ay ka ahaan jirtay $ 6 doolar, taasoo ay sabab u tahay dhuxusha oo ku yar suuqyada lagu kala iibsado, taasina waxay caddeyn u tahay in gumaadka dhirtu marayo halkii ugu darnayd taariikhda Somaliland, hay’addo iyo aqoonyahano waxay xaqiijiyeen in 80% dhirtii la xaalufiyey, taasina ay caddaynayso in dalku deegaan ahaan uu ku jiro xaalad deg-deg ah, waana inaynu dhammaanteen gurmad ka wada galnaa, damiirkeenuna inama siinayo inaynu u dul-qaadano xaaladda deegaankeenu ku jiro, waxa qasab ah inaynu ku talaabsano wax kasta, qiimo kasta ha inagu kacee inaynu bedbaadino xaalaufka deegaankeena iyo dhirta” ayuu yidhi, isaga oo intaasi raaciyey waxa qorshaha xukuumaddu yahay ee lagu yareynayo jaridda dhirta iyo soo saaridda dhuxusha “Annigu Madaxwayne ku xigeen ahaan, anniga oo matalaya Madaxwaynaha JSL, waxaan soo jeedinayaa baaq ah in la yareeyo soo saaridda dhuxusha 30%, labada sanadood ee soo socda 2014 iyo 2015-ka. Waxaanu faraynaa Wasaaradaha Tamarta iyo deegaanka iyo hay’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin inay si deg-deg ah u keenaan wixii xal u noqon lahaa xaaladdaa khatarta ah, kuna fuliyaan wakhtiga aanu bar-tilmaameedka ka dhiganay”

Madaxwayne ku xigeenku, waxa uu sheegay in cashuurta laga dhaafayo agabyada lagu bedalayo dhuxusha “Dawladda Somaliland waxay si deg-deg ah aanu ugu talaabsan doonaa in cashuurta laga dhaafo dhammaan agabyada tamarta ee la cusboonaysiiyo, sida gaaska”ayuu yidhi, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland.

 

Comments are closed.