Berbera: Laba Xaaji Oo Safarkoodii Ka Hor Shil Baabuur Ku Geeriyooday

0
794

 

Berbera(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay duleedka Berbera ku geeriyooday laba xaaji oo ka mid ahaa xujaaj doonaysay inay shalay ka dhoofto magaalada Berbera una kicitinto soo gudashada waajibaadka Xajka sannadkan.

Labadaasa Xaaji ee geeriyooday oo kala ahaa nin iyo gabadh walaalo ah, waxa ay la socdeen Baabuur ay saarnaayeen xujaaj kale oo ka yimid magaalada Burco, waxaana shilkaas ku dhaawacmay shan qof oo kale.

Wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada ay labadaas Xaaji ka geeriyoodeen. Alle haw naxariisto labadaas ruux oo geeriyooday iyagoo u sii socday soo gudashada waajibaadka Xajka.