Madaxweynaha Somaliya Oo Ka Badbaaday Weerar Gaadmo Ah Oo Ay Al-Shabaab La Beegsatay

4
531

Picture6Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka badbaaday weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab la beegsatay isagoo u safrayay degmada Marka ee gobalka Shabeelaha hoose.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen babuur la socotay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Waxay sheegeen in weerarka uu ka dhacay waddada u dhexaysa Muqdisho iyo Marka.

Hoobiyayaal ayay sheegeen inay ku weerareen baabuurta la socotay madaxweynaha oo ku sii jeeday xilligaas magaalada Marka. Madaxweynaha ayaa halkaas u tegay in uu kaga qeybgalo munaasab lagu heshiisiinayo laba beelood oo dagaallamay.

Afhayeen u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay warkaas, waxa uu sheegay in hal askeri uu kaga dhintay shil baabuur oo waddada ka dhacay. Laakiin saxafiyiin la socotay Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay weerarkan, Warku wuxuu intaasi ku darayaa in hal askari uu ku dhaawacmay safarka , laakiin lama oga inuu qaraxa dartii u dhaawacmay iyo in kale.

Al Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee koonfurta Soomaaliya, balse waxay weli geystaan weerarro gaadmo ah.

Comments are closed.