Maxay Xukuumaddu Uga Aamusantahay Safarka Taleex Ee M/xigeenka Puntland?

0
491

Picture5Lascanod(Geeska)-Madaxweyne xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire, ayaa weli ku sugan magaalada Taleex ee gobalka Sool ee Somaliland.

Cabdisamad Cali Shire, oo horkacaya wefti isugu jira wasiiro iyo xildhibaano Puntland ah, wuxuu Taleex joogaa maalintii sagaalaad, isagoo kulamo la yeelanaya qaybaha kala duwan ee bulshada islamarkaana dhagax dhigaya mashaariic kala duwan oo u badan dhagax dhigis keliya. Waa markii u horaysay ee uu madaxweyne xigeen ka socda Puntland safar noocan ah ku yimaado deegaaka Taleex. Xukuumadda Somaliland ayaa markii uu Mr. Cabdisamad safarka ku yimid Taleex, waxay u dirtay farriin digniin ah. Laakiin hanjabaadaas Somaliland waxay noqotay mid afka ku kooban, waxaanu Madaxweyne xigeenka Puntland Salaasadii shalay dhagax dhigay dhisme uu sheegay in laga binaynayo dugsi sare oo ay magaaladaasi yeelan doonto.

Si kastaba ha ahaate, xukuumadda Somaliland oo inta badan ku mashquulsan la dagaalanka iyo u jawaabista mucaaradka ayaa u muuqata inay daawanayso farogelinta qaawan ee ay Puntland ku samaynayo deegaanada bariga Somaliland.