Magacyada Garsoorayaal, Gudoomiyayaal Iyo Ku-xigeeno Xeer-ilaaliyayaal Guud Oo Ay Guddiga Caadaaladu Shalay Baahisay

0
632

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddiga cadaaladda Somaliland ayaa soo saaray go’aamo ay ku sameeyeen magacaabid garsoorayaal, bedelid, soo celin iyo bedel xeer ilaaliyayaal.

Go’aanka guddiga cadaaladda oo uu faafiyay wasiirka cadaaladda, ayaa waxay yihiin sidan:

Magacaabid, bedel guddoomiyayaal garsoorayaal iyo ku xigeeno xeer ilaaliyayaal guud

1. Cabdirashiid Maxamuud Xirsi (Beer geel) waxaa laga soo badalay gudoomiyaha maxakamada gobol/Degmo  Gabiley waxaana loo soo badalay garsoore maxkamada gobolka MaroodiJeex. 2. Siciid Cabdilaahi Xuseen waxaa loo magacaabay gudoomiyaha maxkamada gobol/Degmo Gabiley. 3.Cabdinajiib Maxamuud Cali waxaa laga soo badalay garsoore maxakamada gobolka saaxil, waxaana loo soo badalay garsoore maxakamad gobolka Awdal. 4.Isaxaaq Yaasin Cabdi waxaa loo magacaabay garsoore maxkmada degmada Hargeysa. 5.Cali Ismacil Muxumed Aw Cabdi  waxaa loo magacaabay garsoore maxkamada gobol/degmo Oodweyne  6.Cabdilaahi Maxamed Cali waxaa laga badaly ku xigeen xeer ilaaliyah guud gobolka Awdal, waxaana loo soo badalay ku xigeenk xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Saraar/Caynaba

7.Yaasin Maxamed Jaamac waxaa laga soo badalay xeer ilaaliyaha  guud ee gobolka Saraar, waxaana loo soo badalay xeer ilaaliyaha gobolka Sanaag  8. Cabdi Haybe Cilmi waxaa laga soo badalay ku xigeenk xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Sanaag, waxaana loo soo badalay ku xigeenk xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Awdal.

Shaqo ku celin garsoore, waxaa shaqadii lagu celiyey garsoorayaasha

Shaakir Maxamuud Dubad oo ahaa garsoore maxkamad rafcaanka gobolka maroodijeex

Maxamed Ducaale Aadan oo ahaa garsoore maxkamada gobolka sanaag

Cabdiraxmaan Xandule Xuseen oo ahaa garsoore maxkamada degmada Berbera

Ogolaansho shaqo ka tatid,

Shucayb maxamuud cilmi waxaa laga ogolaaday shaqo ka tagistii uu soo gudbiyey xeer ilaaliyah qaranka. Sidoo kale Ibrahim Siciid Ducaale waxaa loo magacaabay garsoore maxkamada degmada Burco.