Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Uu Hogaaminaayo Wasiirka UK U Qaabilsan Qaarada Afrika

0
753

P1030738

 

Hargeysa (Geeska) Madaxweynaha Somaliland ayaa qasriga looga taliyo dalka Somaliland ku qaabilay wafti heer caalami ah oo uu hogaaminaayo wasiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan arrimaha qaarada Afrika Mr Henry Bellingham.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee Somaliland haatan ku sugan tahay iyo sidii ingiriisku door muhiima uga ciyaari lahaa horumarka iyo maal gelin lagu sameeyo Somaliland. Kulanka madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka waxaa laga soo saaray war-saxaafaded, kaas oo u dhignaa sidan:-

Date: 24/07/2011

 

War-Saxaafadeed

 

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti uu hogaaminaayo Wasiirka Afrika u Qaabilsan Dawlada Ingiriiska MR. HENRY BELLINGHAM.

 

Madaxweynuhu waxa uu Wasiirka iyo Weftigiisa uga Waramay Xaalada siyaasadeed, Dhaqaale, iyo Nabad-gelyo ee Jamhuuriyada Somaliland, wuxuuna si  weyn ugu mahad-celiyey Doorka ay dawladda Ingiriisku ka qaadato horumarka kala gedisan ee ka socda Dalka.

 

Madaxwenuhu waxa uu si Mugleh uga waramay hawl-galada la xidhiidha iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya dawladda Britain iyo Somaliland oo saamayn weyn ku leh adeega shacabka Somaliland ee ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada, Cadaalada iyo Nabad-gelyada oo ay gargaar dhaqaale iyo mid farsamo  ku bixiso dawladda ingiriisku.

 

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay sida ay dawladda ingiriisku u balaadhinayso una kordhinayso dhaqaalaha ay u qoondayso horu-marka Somaliland.

 

Waxa kale oo madaxweynuhu ku dheeraaday qorshaha Xukuumada Somaliland ee mustaqbalka, lana xidhiidha ka midho dhalinta baahida aasaasiga ah ee shacbiga somailand iyo Adkaynta Nabad-gelyada Qaranka Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Afrika ee Dawladda Ingiriiska oo isna Halkaa hadal ka jeediyey ayaa ku amaanay shacabka iyo Xukuumada Somalilandba dedaalka ay ugu jiraan horu-marinta noloshooda, sugida Amniga, iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Beesha Caalamka.

 

Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in la gaadhay xiligii laga midho dhalin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Britain iyo Somaliland,

 

Sidoo kale waxa sheegay in loo baahan yahay sidii loo abuuri lahaa jawi dhaqaale oo saamaxa ama abuura maal-gashi shisheeye oo Somaliland ka hesho wadamada Caalamka iyo Britain-ba

 

Ugu danbayntii Waxa kale oo uu MR. HENRY ku dheeraaday sidii ay Somaliland iyo Britain isaga kaashan lahayeen nabad-gelyada geeska, ladagaalanka Budhcad badeeda iyo Argagixisada.

 

 

ALLAA                         MAHAD                             LEH

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL