“Annaga Al-Shabaab Iyo Qayrkood Nooma Kala Soocna Ee Ciddii Nabadda Waxyelaysa Waxaanu Kaga Hortagayna Awood Buuxda, Diyaarna Waanu U Nahay

0
4150

 

dube

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland Md. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa ku hanjabay inay cid kasta oo isku dayda inay ammaanka dalka wax yeelayso ka qaadi doonaan talaabo adag.

Muddooyinkan dambe waxa soo baxayay warar sheegaya inay kooxo ka tirsan Al-Shabaab ay ku soo qulqulayaan gudaha Somaliland, iyadoo la sheegayo in lagaga awood roonaaday dagaalada Muqdisho. Taliye Saqadhi oo uu Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyay wararkan ayaa yidhi,  “Anaga Al-shabaab ama qayrkood nooma kala soocnee ciidanku waa iska diyaar ninkii nabada wax yeelayana waanu ka hortagaynaa diyaarna waanu nahay.”

Taliye Saqadhi oo la weydiiyay oo la weydiiyay qorshe ahaan waxa diyaar u ah waxa uu ku jawaabay  “Anaga Al-shabaab ama cid kalee cidii nabadgalyada wax u dhimaysa awood buuxdaan kaga hortagaynaa.”

Ismaaciil Buubaa oo ah siyaasi degen dalka Kenya ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu wax ka qabto kooxo uu sheegay inay ka tirsanyihiin xag jirka Somaliya oo uu sheegay inay ku soo qulqulayaan gudaha Somaliland.