Khilaafka Labada Shariif Oo Awood Qaybsi Lagu Xalinayo Iyo Kulamadii Xalay

0
929

2 s

Kampala(Geeska)-Madaxda dawladda tamarta daran ee Somaliya ayaa wada hadalo ku leh magaalada Kampala ee dalka Yugaandha, halkaas oo dedaal loogu jiro in khilaafka labada Shariif lagu xaliyo.

Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo muddo dheer saaxiib ahaa ayaa isku maandhaafsan muddo korodhsi dawladda loo sameeyo. Sheekh Shariif ayaa doonaay in muddo sanand ah loogu kordhiyo xilka Madaxweynaha, laakiin Shariif Xasan oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa taas si weyn uga soo horjeeda.

Balse waxa socda dedaal la doonayo in la isugu soo dhaweeyo. Ergayga Qaramada Midoobay Mr. Augustine Mahiga ayaa soo bandhigay qorshe saami qaybsi dhinaca xukumadda ah, waxaana Shariif Xasan la filayaa in la siiyo kala badh golaha wasiirada, iyadoo la filayo in isna uu meesha ka baxo Raysalwasaare Maxamed Cabdillaahi Maxamed oo uu Shariif Xasan shuruud ka dhigay in la rido, si uu markaas Shariif Xasan u aqbalo korodhsiga sannadka ah.

Raysalwasaaraha ayaa looga yeedhay magaalada Kampala ee dalk Yugaandha halkaas oo uu kaga biiray wada hadalada. Sheekh Shariif ayaa shalay laba kulan la yeeshay Raysalwasaaraha si uu ugu qanciyo doonista Shariif Xasan, laakiin Raysalwasaaraha ayaa la sheegay inuu ku gacan saydhay soo jeedintaas.

Si kastaba ha ahaate maanta ayaa la filayaa in la soo gunaanado wada hadaladaas oo laga soo saaro war-murtiyeed.