“Madaxweyuhu Go’aanka Adag Ee Uu Ka Qaadatay Hay’adaha Qaramada Midoobay Wuu Ku Saxan Yahay….”

0
416

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilad, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku taageeray go’aankii uu ka qaatay Hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaanu tilmaamay inuu Madaxweynuhu ku saxan yahay inuu mawqif adag ka istaagto wax kasta oo wiiqaya jiritaanka dalka.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Hay’adaha kala duwan ee dalka ka hawgala waxaa u haboon inay ixtiraaman Somaliland, laakiin inay wiiqan qaranimadeena maaha, inay cid kale inoo soo dhexmarta maaha, sidaas awgeed Madaxweyne Muuse Biixi go’aanka adag ee uu ka qaadatay Hay’adaha Qaramada Midoobay wuu ku saxan yahay, Madaxweynuhu inuu mawqif adag iska taago mar walba wixii wiiqaya qaranimada ayaa loo baahan yahay, maxaa yeelay Somaliland maaha Soomaaliya, mana ah Gobol ka tirsan Soomaaliya ee waa dal madax -anaan”

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa sheegay in meel kasta oo dadka muslimka ahi joogaan looga baahan yahay inay Nebigooda u hiiliyaan, oo ay ka difaacan wax kasta oo xun oo laga sheegayo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office