Madaxweynaha Ruushka Oo Maraykanka Ku Cariyay Inuu Cadaymo Horkeeno Golaha Amniga

2
478

Picture1Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in meesha aanu ka saareyn inuu taageero awood milatari oo ay Qaramada midoobay isku raacdo oo ka dhan ah Syria, hadii la soo caddeeyo in xoogagga dowladdu ay dad rayid ah u adeegsadeen hubka kiimikada ah.

 

 Putin ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee AP iyo television laga leeyahay dalka Ruush in Mareykanku ay tahay inuu Qaramada Midoobay horkeeno caddeymo lagu qanci karo, waxa uuna Mareykanka uga digay inuu qaado talaabo milateri oo aan ogolaansho ka heysan Qarama Midoobay.

 Mr. Putin ayaa sidoo kale sheegay inuu joojiyey qalabka S-300 ee difaaca gantaalaha  ee uu siin lahaa wadanka Syria, laakiise uu go’aankaa dib uga fiirsan doono hadii la qaado talaabooyin xad gudub ku ah xeerarka caalamiga ah
 Ruushka ayaa dabayaaqada todobaakan martigellin doona shirka wadamada ku bahoobay G20 ee ka dhacaya magaalada St Petersburg, halkaasoo la filayo in qodobada ugu waa weyn ee looga hadli doono ay ugu horeeyaan arrimaha Syria.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa in dhaweydba taageero gudaha iyo dibadda ahba u raadinayey weerar ka dhan ah wadanka Syria. Obama ayaa booqanaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden ka hor inta aanu u duulin wadanka Ruushka oo uu uga qeyb galayo shirka G20.

Comments are closed.