Jubba Airways Oo Diyaarad Weyn Shalay Ka soo Dejisay Madaarka Hargeysa

5
590

Picture2Hargeysa (Geeska) – Madaarka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International Airport, ayaa waxa shalay ku soo degtay Diyaarad weyn oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airways, taasi oo si toos ah Madaarka Hargeysa uga hawlgali doonta.

Diyaaradan oo uu nooceedu yahay 737/400 ayaa qaada rakaab dhan 154 qof iyo 6 kale oo shaqaalaha diyaarada ah.

Diyaaraddan oo ka mid ah diyaaraddihii todobaadkan kusoo qulqulayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyey, waxaana halkaasi ka hadlay Maamulaha Jubba Airways ee Somailand, Mustafe Aadan Mooge, kaas oo sheegay in shalay ay duulimaadkii u horeeyey ee Jubba Airways oo ka soo kicitintay magaalada Dubai ay ka soo dajiyeen Madaarka Cigaal Airport, isla markaana ay hadda kadib Madaarka Hargeysa usoo wareejin doonaan duulimaadyadii ay ka samayn jireen dalka.

“Waxa maanta aanu duulimaadkii u horeeyey ka soo dajinay gagida diyaaradaha ee Cigaal International Airport anaga oo duulimaadiyadii aanu dalka ka samayn jirnay ku soo wareejinayna dhamaantood garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport diyaaradii u horaysay ee nooceedu yahay 737/400 oo aad arkaysaan waxay qaadaa 154 Rakaab ah iyo shaqaalaha diyaarada oo dheeraad ah, guud ahaan waxay qaadi karta 160 qof ayay la duuli kartaa oo ay la soo dagi kartaa.

Maanta waxa aanu saaraynaa lawdh ku filan 154 qof ayaanu saaraynaa, waxa ay hada la soo degtay 130 iyadoo hada uu rakaabka imanayaa yar yahay oo kuwa dhoofayaa ay badan yihiin.

Waxaanu isticmaali doonaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International mar kasta, duulimaadkii ugu horeeyey sida aad arkaysaan ayaanu maanta ku soo dajinay, insha allaahu tacaalaa wixii dambena halkan ayaanu ka shaqayn doonaa”.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo diyaaradaasi ku soo dhaweeyey dhabaha cusub ee Cigaal International Airport, kaas oo sheegay in Jubba Airways ay noqonayso diyaaradii saddexaad ee ka soo degta Garoonka Hargeysa, isla markaana ay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay bulshada si hagar la’aan ah ugu adeegaan.

Wasiirka oo Arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Runtii arintani waa guul u soo hoyatay ummada Somaliland iyo Qarankan Somaliland in markii u horaysay taariikhdooda ilaa 55 sanadood ah ay ka soo dagaan diyaarado noocan oo kale ah oo ka yimaada ilaa iyo Dubai iyo Jidah iyo Addis Ababa iyo Nairobi, diyaaradahaas oo ah Boint 737/300/400/700 Shirkaddaha Daallo, Jubba oo maanta diyaarad aad u weyn keentay iyo Ethiopian Airlines dhamaantoodba waanu u mahad naqaynaa. Runtii waxa weeyaan ummadan waxa ka go’an inay bulshadeeda u adeegto si hagar la’aan ah, waxa ka go’an inay horumar laxaad leh ka suura galiso iyadoo aanu ilaahay Subxaanahuu watacaalaa la kaashayno”.

Wasiirka oo Wariyeyaashu halkaasi ku waydiiyeen waxa keenay hakadka ku yimid Diyaaradii Ethiopian Airlines oo ay rakaab badani u cadilan yihiin ayaa waxa uu yidhi “Ethiopian Airlines way imanaysaa Flights keedii caadi ayuu u soconayaa maantana diyaarad weynbaa imanaysa arinta dib u dhucuna waa wax hawlgalkooda (operations) iyaguun u gaar ah, wax runway-gan ka xun iyo wax amaanka Somaliland ka xun midna ma jiraan.

Ilaa shalay ilaa xalay waxa aanu ka shaqaynaynay sidii dadkaa loo daadgurayn lahaa, waayo laba maalmood ayuu Flight-kii baaqday waxa weeyaan Isniintii iyo Salaasadii, maanta oo Arbaca ah waxa ay Muhiimada siinayaan dadkii ay qaadayeen ee isku xidhkooda kale noolaayeen, qaybihii horena qayb ayay qaadayaan kuwa kalena barito iyo sahadambe ayay kala qaadayaan.

Khasaarihii oo dhana dib ayay u nooleeyeen arintaana waa masuuliyad xukuumad ahaan na saaran waa bulshadaa aanu uga wakiilka nahay in aanu hubino in diyaaraduhu ay u baahan yihiin siddii loogu talo galay macaamiishooda”.

Comments are closed.