Madaxweynaha Oo Xeelad Ku Hakiyay Istiqaaladii Maxamed Xaashi, Sababta Keentay iyo Kulankii Xalay

1
776

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wasiirkiisa maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi ka diiday codsi shaqo ka tegis ah oo uu habeen hore u mariyay khadka Email-ka.

DSC01507

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada iyo wasiirka maaliyadda midkoodna, laakiin sidan waxa xaqiijiyay warar xogogaala oo uu Wargeyska Geeska Afrika helay.

 

Silaanyo_040906

 

 

 

 

 

Maxaa la isku seegay?

Wasiir Maxamed Xaashi, ayaa si kedis ah habeen hore u go’aansaday inuu iska casilo xilka wasiirnimo ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ka dib markii sida la sheegay uu ka cadhooday talaabo uu ku kacay wasiirka macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, oo la sheegay inuu sanduuqiisa xisaabeed ee gaarka ku shubtay lacag ay shirkado macdan baadhiseed bixiiyeen  taas oo ay wararka qaar sheegayaan inay tahay $ 500,000 (Shan boqol oo kun oo Dollar) halka ay kuwo kalena sheegayaan inay ka badantahay, waxaana la sheegay inay lacagtaas ay bixiyeen labada shirkadood ee la kala yidhaahdo Opher Energy iyo Tullop. Waxaanu sida ay ilo xogogaali u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika ismaandhaafka u weyni ka dhacay shirkii golaha wasiirada ee khamiistii oo uu wasiirka macdanta iyo biyuhu golaha wasiirada kaga codsaday inay u ansixiyaan wax ka beddel uu ku sameeyay heshiisyo ay xukumadii hore la gashay shirkado macdan baadhiseed, laakiin wasiir Maxamed Xaashi ayaa sida la sheegay wasiirka weydiiyay halka uu mariyay lacagaha uu ka soo qaaday shirkadahaas, waxaana halkaas ka dhacday ismaandhaaf iyo doodo badan, waxaanay aakhirkii golaha wasiirada oo uu Madaxweynuhu guddoominayay cod ku ansixiyeen dalabkii wasiirka macdanta iyo biyaha, laakiin Madaxweynuhu wasiirkiisa macdanta iyo biyaha kuma amrin inuu lacagtaas ku wareejiyo qasnadda wasaaradda maaliyadda, waxaanay taasi ka cadhaysiisay wasiirka maaliyadda oo goor dambe oo habeen hore ah warqad istiqaalad ah Madaxweynaha ugu diray khadka Emailk-ka.

Gurmad tiro badan

Hase yeeshe Madaxweyne Siilaanyo ayaa gurmad u galay in la hakiyo istiqaalada wasiir Maxamed Xaashi, waxaanu gelinkii hore ee shalay u diray ergo isugu jirta xildhibaano, masuuliyiin iyo dad kale oo uu tuhmayay inay isku dhowyihiin Maxamed Xaashi, waxaana aakhirkii lagu balamay kulan xalay fiidkii ka dhacay xarunta madaxtooyada kaas oo la iskula qaatay in Maxamed Xaashi Cilmi ka noqdo iscasilaadiisii.

Maxaa la isku afgartay

Wasiirka maaliyadda iyo madaxtooyada oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu warkan wax uga weydiino ayaanay noo suurtogelin. Laakiin ilahaas xogogaalka ahi waxa ay Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyeen inay kulankaas oo saacado qaatay ka dib ay Madaxweynaha iyo wasiir Maxamed Xaashi isla garteen in wasiirka macdanta iyo biyuhu lacagta uu muranku ka dhashay ku shubo qasnadda dawladda si loo soo gunaanado khilaafka abuurmay looguna daro miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2012, waxaanay madaxweynaha iyo wasiirkiisa maaliyadu ku kala tageen in sidaas lagu hakiyo istiqaaladii islamarkaana wasiirka maaliyadu shaqadiisii sii wato.

Gunaanad

Waa markii u horaysay ee uu Madaxweyne Siilaanyo mid ka mid ah wasiiradiida ka diido istiqaalad uu u gudbiyay, waxaana Maxamed Xaashi ka horeeyay wasiirkii arrimaha gudaha Md. Maxamed Cabdi Gabose, oo uu isaga ka aqbalay, waxaanay dad badani aaminsanyihiin inay jiraan arrimo kale oo qarsoon oo iyaguna ka mid ah asbaabaha keenay in wasiirka maaliyadu is casilo, waxase  maalmahan soo socda la arki doonaa inuu fulo heshiiska Madaxweynaha iyo wasirkiisa maaliyadda ee ah in lacagtaas lagu shubo qasnadda dawladda. Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo oo xilligii ololihii doorashada umadda u balan qaaday inuu dabar goyn doono musuqmaasuqa dalka ka jira ayaa u muuqda hoggaamiye aan ballankaas ka dhabayn waxaana jira musuq tiro badan oo ka dhex jira haya’daha dawladda iyo mashaariic iyo qandaraasyo kala duwan oo ay sifo khaldan ku bixiyeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsani, waana mid ka mid ah waxyaabihii ay bulshadu kaga codaysay xukuumadii hore ee xisbiga UDUB.

Comments are closed.