Wasiirka Macdanta Iyo Biyuhu Ha Is Casilo…Staff Writer

7
575

Hargeysa(Geeska)-Jimcihii waxa mar qudha magaalada caasimadda ee Hargeysa ku faafay war sheegayay inuu is casilay wasiirkii maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka cadhooday wasiirka macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, oo lacag uu ka soo qaaday labada shirkadood ee macdanta ee Opher Energy iyo Tullop, ku shubtay sanduuqiisa xisaabeed ee gaarka ah, taas oo uu from-manager-to-minister1eeeeeWasiirka maaliyaduna dalbaday in lagu shubo qasnadda dawladda.

Laakiin is casilaadda wasiirka waxa ka diiday Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo kulan saacado qaatay ka dib amar ku bixiyay in la xaliyo sababta khilaafka keentay oo ah in wasiirka macdanta iyo biyuhu lacagtaas ku shubo qasnadda dawladda iyadoo weliba la sheegay in xaal marin la siiyay Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi. Lacagtaas oo aan weli cadadkeeda si rasmi ah loo haynin ayay wararku sheegayaan inay tahay $ 500,000 (Shan Boqol oo kun oo Dollar).

Marka hore iscasilaadda Maxamed Xaashi waxay indhaha bulshada ku soo jeedisay wasiirka macdanta iyo biyaha maadaama oo uu sabab u noqday inuu wasiirku qorto codsi shaqo ka tegis ah, mar labaadkana waxa ay muujisay in Eng. Xaashi ka damqaday lacag la doonayay in la lunsado oo uu warkeeda helay. Wasiirkan macdanta iyo biyaha ayaa ka mid ahaa xubnaha tirada yar ee ka tirsan golaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ay bulsho badani ixtiraam u haysay maadaama oo uu  ku calaamadsanaaa inuu yahay aqoonyahan shaqo uu ka qaadanayay lacag badan oo dalka Maraykanka ah uga yimid inuu wadankiisa u shaqeeyo, laakiin dad badan ayaa candhuuftooda dib u liqday ka dib markii ay yaqiinsadeen in Wasiir Ducaale lacag uu qaranku leeyahay oo uu ku soo qaaday magaca wasiirnimo ee wasaaradda macdanta iyo biyaha ee uu masuulka ka yahay uu ku shubtay sanduuqiisa gaarka ah, taas oo dabcan uu macnaheedu noqonayo inuu doonayay inuu si gaar ah u isticmaalo. In masuul dawladeed sanduqiisa gaarka ah ku shubto lacag qaranku leeyahay waa ceeb, marka loo eego dalka Maraykanka ee uu wax ku bartay kana yimidna waa waaba dambi iyo fadeexad miisaankeeda leh, waxaanu masuulkaasi ku khasbanaadaa inuu is casilo si aanu cambaar iyo nabar ugu noqon xukuumada uu ka tirsanyahay ee uu shacabku doortay. Warkana waxa ka horeeyay eedaymo kale oo wasiir Xuseen  hore loogu jeediyay inuu tahli waayay inuu xisaab celin ka sameeyo mashaariic ay wasaaradda ugu deeqda hay’adda UNICEF, taas oo la sheego inay sabab u noqotay inay hay’adu joojiso wada shaqayntii ay wasaaradiisa la lahayd.

Si kastaba ha ahaate mar haddii wasiirka macdanta iyo biyaha oo ah nin dhallinyaro ah oo ay dad badani is tusayeen inuu leeyahay mustaqbal wanaagsan uu sabab u noqday in wasiirul maaliyuhu ku hanjabo iscasilaad, markii uu Madaxweynuhu gartii galayna uu go’aansaday in la raaco soo jeedinta wasiirka maaliyadda, waxa cad in Madaxweyne Siilaanyo go’aansaday in wasiir Maxamed Xaashi gar ku joogay islamarkaana wasiirka macdanta iyo biyuhu uu ku socday daw darro, mar haddii ay sidaas tahayna waxa ay sharaftiisu ku jirtaa mar haddii lagu helay fadeexado musuqmaasuq inuu is casilo si aanu rayul caamka u sii horjoogin una dhawrsado inta uga hadhay sumcadiisa, haddiise uu sidaas yeeli waayo waa laba nabar oo is huwan oo kala ah inuu yool u noqon doono bulshada ka soo horjeeda musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda maamul iyo weliba inuu wasaaradda ka go’doomin doono hay’adaha iyo shirkadaha ay wada shaqaynta leeyihiin, kuwaas oo ku go’aan qaadan doona wararka musuq ee soo baxay iyo in lacagtoodu aanay ku dhicin qasnad dawladeed oo xisaab celin leh.

Comments are closed.