Madaxweynaha Oo Weli Laga Sugayo Khudbad Sannadeedkii Labada Gole

0
699

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa weli laga sugayaa khudbad sannadeedkii distooriga ahayd ee uu u jeedin lahaa labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada oo ay ahayd inuu bishii 1aad ama labaad jeediyo.

Khudbad sannadeedkan oo noqonaysa khudbadiisii 7aad ee uu labada gole u jeediyo isagoo madaxweyne ah, ayaa waxa ay ahayd inuu madaxweynuhu u jeediyo labada gole bishii February ee sannadkan, laakiin halkeedii waxa galay ansixintii saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalintaas labada gole u sheegay inuu dib u dhiganayo khudbad sannadeedka,  Madaxweynuhu wuxuu yidhi maalintaas “Waxa ii qorshaysan oo aan ku talo jiraa dhawaan, insha Allaahu, in aan labada gole u jeediyo khudbad sannadeedkii 7aad, taas oo aan ku lafo guri doono wax-qabadka iyo siyaasaddayda ku waajahan arrimahan soo socda:

Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
2. Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

3. Abaaraha.

4. Doorashooyinka.

5. Ka Hortagga Qiima-dhaca Shillinka Somaliland.
6. Adkaynta Nabadgelyada.
7. Garsoorka iyo Cadaaladda.”

Hase yeeshee iyadoo ay maalintaas uu madaxweynuhu labada gole balan qaadka u samaynayay ay ka soo wareegtay ugu yaraan dhawr iyo lixdan maalmood, ayaan madaxweyne Siilaanyo laga haynin khudbad sannadeedkaas.

Dadka lafo-gura siyaasadda ayaa aaminsan in sababta ugu weyn ee uu madaxweyne Siilaanyo u jeedin la’yahay khudbad sannadeedkiisa inta uu isugu yeedho labada gole ay tahay xaaladaha adag ee siyaasadeed, nololeed iyo dhaqaale ee dalka ka jira oo laga yaabo inuu ka war-wareegayo ka hadalkooda.

Si kastaba ha ahaate, madaxweynaha ayay labada gole iyo shacabku ka sugayaan khudbad sannadkeedkaas oo ah mid distoori ah.