“Sayliciyoow; Saylac Oo Qudha Madaxweyne Ku Xigeen Uma Tihid, Ee Xilkaaga Garro”Xildhibaan Aareeye oo madaxweyne-xigeenka ku eedeeyay arrimaha Saylac

0
679

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay kal-fadhigii Golaha Deegaanka ee Saylac ee xilka lagaga qaaday Maayarkii hore, laguna doortay Maayar iyo Maayar ku xigeen waxaanu sheegay inay Xukuumaddu faragelin ku hayso, gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka, oo uu ku eeddayey inuu faragelin ku hayo Golaha Deegaanka ee Saylac, waxaanu ugu baaqay inuu xilkiisa iyo waajibka loo igmaday ee loo doortay uu guto.

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Golaha Deegaanka Saylac, Badhasaabka ayey u tageen, waxay ku yidhaahdeen noo qabo kal-fadhi, aanu kaga hadalno aayahayga iyo Maayarkii oo aan shaqeeynin, Maayarkana waxay is xigeen Madaxweyne ku xigeenka, Badhasaabkiina wuu ka baqay, oo maalintii uu la balamay, ayuu Hargeysa soo galay,  markaas Xildhibaanadii Golaha Deegaanka ee Saylac iyagaa fadhiistay, oo si cadaalad ah ayey u doorteen, Maayar iyo Maayar ku xigeen, waxa hadlay Wasaaradda Arrimaha Guddaha, gaar ahaan Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobolada iyo Dawladdaha Hoose, kal-fadhig si cadaalada u dhacay, oo farta loo taagay, ayuu yidhi xaq maaha, Madaxweyne ku xigeenkana waanu garan weynay ee ma Saylac buu Madaxweyne ku xigeen u yahay, mise Badhan, Laascanood, Caynaba, Dhahar ilaa Gobolada kale ee Somaliland buu u yahay Madaxweyne ku xigeen, waagii hore Maayarkan meesha laga eriyey, Golahan baa doortay, maantana Xildhibaanadii joogay ayaa doortay”.

Xildhibaan Aaraye mar uu ka hadlaayey in la xidhay Xaruntii Dawladda hoose Saylac ayaa yidhi “Xaruntii Dawladda hoose Saylac, Ciidan baa isku wareejiyey, waana la wada qufulay xafiisyadii, cudud iyo xoog baana lagu muquuniyey, oo amar Madaxweyne ku xigeen ka soo baxay, ayaa Xilidhibaanadii Deegaanka Saylac hadhuudhlaha loogu daray, ee Madaxweyne ku xigeen, xil baad umadda u haysa, waa lagu codeeyey, ee Saylici Saylac oo qudha Madaxweyne ku xigeen uma tihid, ee xilkaaga garo, Saylac laba reer oo walaalo ah ayaa wada degan, waagii hore ee Doorashada Deegaanka wixii ka dhacay ayeynu ogeyn, khilaafkaasina inuu yimaado Madaxweyne ku xigeenka ayaa masuul ka ahaa, ee caqliga shaqeeyey, oo labada Beelood wey heshiiyeen”.

Xildhibaan Aaraye oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Aniga Deegaanka Saylac ayaa la iga soo doortay 2005, intaaba maslaxada iyo wanaaga ayaan ka shaqeeynayey, ee dawladdu inay arintaas ka fiirsato weeye, Madaxweynaha ayaanu gaadhsiinaynaa, Dadka garashada leh ayaanu gaadhsiinaynaa, anigu anigoo Xisbiga Waddani ka tirsan, haddana waxaan u hadlayaa deegaankan oo ah deegaanka aan ka soo baxay”.