Suldaan Cismaan Oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamuusay Cabdillaahi-jawaan

0
581

Hargeysa(Geeska)-Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay la taliyihii madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada Md. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo dhawaan xilkaas iska casilay.

Hadhimo-sharafeedkaas ayaa waxa ka qayb galay salaadiin, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo dhallinyaro, waxaanu Suldaan Cismaan sheegay in hadhimo-sharafeedku tahay mid ay ku maamuusayaan siyaasiga Cabdillaahi-jawaan oo ay yihiin ehel iyo asxaaba.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Caaqil Bulbul, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, odayaal iyo aqoonyahano, kuwaas oo  Cabdillaahi-jawaan ku ammaanay sida dhiiranaanta leh ee uu shacabka ugu soo bandhigay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Siyaasiga Cabdilaahi-jawaan oo hadhimo-sharafeedkaas soo gunaanaday ayaa suldaanka guud uga mahadceliyay sida uu u maamuusay, waxaanu sheegay in hadhimo-sharafeedka uu Suldaanka u sameeyay muujinayso xigaalka iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa.