Madaxweynaha Oo Shacabka Somaliland Iyo Dunida Islaamka Ku Hambaleeyay Munaasibada Ciidda

1
822

 

Madaxweynaha-somaliland1Hargeysa(Geeska)-0Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay dhambaal Hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamkaba munaasibada ciidul adxaha oo maanta ah.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ILAAHAY uga baryay malaayiinka qof ee taagan buurta yoomal carafa ducadooda u aqbalo shacuubta islaamka.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu galabta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu dhambaalka hambalyada Madaxweynuhu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ku hadlaaya magaciisa, magaca golayaasha kala duwan ee qaran, iyo guud ahaanba magaca shacbiga Somaliland, meel kastay joogaan wuxuu hambalyo iyo boogaadin ku saabsan munaasibada islaamigaa ee weyn, ee Ciidal Axda u diraya hambalyo guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana shacabka reer Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu illaahay ka rajeeyey in malaayiinka islaamka ah ee taagan yoomal carafa ducadooda inoo aqbalo, illaahayna wada jirkooda iyo nabadoodaba uu kor u qaado.

Shacabka Somaliland-na sanadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.”

Comments are closed.