Guddiga Doorashada Oo Cayintay Wakhtiga Uu Ololaha Doorashadu Dalka Ka Bilaabmayo

0
702

 

komishankaHargaysa( Geeska )-Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka  Md. Maxamed  Axmed Xirsi (Geelle), ayaa si rasmiya ugu Dhawaaqay in uu guud ahaan dalka ka bilaabmaayo olalaha doorashada golayaasha deegaanku 29 Bisha October.

 

Sidaas wax uu ku sheegay afhayeenku shirjaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Komishanka Doorashooyinka , isaga oo sharaxaad ka bixiyey Hananka ay u kala horeynayaan Ururadu wakhtiga Ololaha Doorashada.

Sida oo kale Afhayeenka Komishanka doorashooyinku waxa uu si cad u sheegay in aanay badalayn musharaxa ka guura ururkiisa ama xisbigiisa, maadaama oo ay daabaceen dhamaan magacyadii doorashada ka qaybgalaayay.

Waxanu afhayeen Geele hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxanu Halkan kaga dhawaaqayna in Ololihii Doorashada Golaha deeganku uu Bilaamayo 29 Bisha October oo ah Isniinta inagu soo socta, waxayna ururadu u kala horeynayaan sidii aanu ugu Qori tuurnay, Waxa u horeynaaya 29 october Ururka Ummada, 30 October Xisbiga  Ucid, 31 October Xisbiga Kulmiye, 1 November  Ururka Dalsan, 2 November Rays,  3 November Waddani, 4 November Xaqsoor, Waxanu urur walba u soo jeedinaynaa in maalinta ay Ololaha Ay leeyihiin ay ilaaliyaan Nabad gelyada, waxanu ururka aan maalinta lahayn uga digay in ay Ololaha sameeyan.”ayuu yidhi Md. Geelle.

Afhayeenka Komishanka oo Warbaahintu waydiisay Go’aanada ay Komishnaku ka qaateen Murahsaxiinta Iska casila xisbiyadooda ama ururadooda waxa uu ku jawaabay “ Arintaasu waa mid adag haddii nin Murashax ahaa oo markii hore Liiska la galiyey uu maanta yidhaahdo waan iska casilay,Anagu Liiskii kama saari karno Liisaskiina waanu daabacnayba, markaas Magaciisu meeshuu ku jiraa Lamana soo badali karo, waana arin cusub oo hada wax aanu kaga faaloono garan mayno.”