Madaxweynaha Oo Looga Digay Inuu Noqdo Masuulkii Xabaasha Ku Riday Xorriyada Saxaafadda

0
517

Picture3Hargeysa(Geeska)-Ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inaanu saxeexin xeerka sirdoonka qaranka ee ay Baarlamaanku ansixiyeen oo ay ku jiraan qodobo saamayn halis ah ku leh madaxbanaanida saxaafadda Somaliland.

Guddoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa qoraal uu xalay soo saaray, wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay inuu  wax ka bedel ku sameeyo qodobka 7aad ee xeerka sirdoonka qaranka oo uu sheegay inuu tilmaamayo in sirdoonka qaranku ay faaf reeb ku samayn karaan saxaafadda madaxabanaan. “Dabcan waxa ay arintani fursad u siin doontaa sirdoonka inay faaf reeb ku sameeyaan saxaafadda madaxabanaan, taas oo ka soo horjeeda distoorka qaranka iyo xeerka saxaafadda oo uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu ku fulin doono wakhtigii uu ku jiray ololihii doorashada 2010, taas o aan weli fulin.” Ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA.

Wuxuu guddomiyaha SOLJA uga digay Madaxweynaha in haddii uu saxeexo xeerkan lagu xasuusan doono hoggaamiyihii xabaasha ku riday madaxbanaanida Saxaadda Somaliland ee soo jirtay labaatanka sannadood, “Haddii uu Madaxweynuhu saxeexo xeerkan ogolaanaya faaf reebka saxaafadda, waxa lagu xasuusan doonaa masuulkii aasay xorriyadda saxaafadda labaatan sannadood oo ay madaxbanaanayd ka dib.” Ayuu yidhi SOLJA, waxaanu farriin noocan ah u diray dalalka la saaxiibka ah Somaliland, ururada adduunka ee xuquuqal insaanka iyo cid kasta oo arrimaha xorriyadda saxaafadda danaysa.