“Cid Kasta Oo Xil Ka Qabata Soomaaliya Waa Dambiile Qaran”

0
3525

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dambiile qaran ku tilmaamay cid kasta oo ka qayb gasha dawladaha loo dhiso dalka Somaliya oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa uu sheegay inay noqonayso dambille qaran isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah. “Cid kasta oo xil ka qabata Soomaaliya oo u dhashay waa dambiille, waxaanay meesha ka saarayaan jiritaanka iyo Madax-banaanida Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtida Somaliland.

Guddoomiyaha oo galabta u waramayay TV-ga qaranka, waxa uu intaasi ku daray “Halkii kuwii hore la mariyey ayuun baa la marinaya kama sokeeyo kamana foga, waa dambiilayaal qaran oo wixii xeer iyo sharci ah ee inoo yaala ayaa la marinayaa.”

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa kale oo uu cambaareeyay dilkii labadii qof ee dhawaan lagu dilay magaalada Oog,waxaanu xukuumadda u soo jeediyay inay sharciga horkeento gacan ku dhiigleyaashii dadkaas aan waxba galabsan dilay.

Guddoomiyaha Guurtidu waxa kale oo uu cambaareeyay maamulka Puntland oo uu sheegay inay soo weerareen degmadda Dhahar ee bariga gobolka Sanaag oo uu tilmaamay inay halkaasi ku laayeen dad shacab ah.
Gudoomiyuhu waxa uu xukuumadda iyo shacbiga deegaankaasi u soo jeediyay inay iska difaacaan gardarooyinka Puntland ka wado deegaankaasi.