Hay’ado Caalami Ah Oo Somaliland Ugu Baaqay Sii Daynta Guuleed Axmed Jaamac

0
533

Picture4Washintong (Geeska)- Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa kala hadlay Aqalka Cad iyo waaxyaha kale ee ku shaqada leh arrimaha la xidhiidha lacagaha dadka Soomaalidu dibadaha ka diraan ee xawilaadaha.

Mr. Cabdirashiid oo kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Aqalka Cad, Waaxda maamusha lacagaha ee Maraykanka, xildhibaanno ka mid ah Golaha Wakiillada iyo weliba Bangiga Adduunka, waxay ka wadahadleen sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha soo wajaha lacagaha qurba-joogta Soomaalidu u diraan eheladooda baahida wayn u qaba, isagoo u tilmaamay muhiimada lacagta la dirayaa ugu fadhido nolosha dad Soomaali ah oo fara badan oo ku tiirsan dhinac walba adeegyada aasaasiga ah sida maciishada, caafimaadka iyo waxbarashada.

“Waxa jira shirar badan oo ay wadeen World Bank iyo beesha caalamkuba oo ku saabsan lacagaha dadka Soomaalidu diraan (xawaaladaha). Anigu shakhsiyan dawladda Maraykanka waan la kulmay waaxyaha kala duwan ee xiiseeya lacagta loo diro Soomaalida sida waaxda maamusha Maaliyadda ama lacagaha ee Maraykanka (Treasury Department) iyo Aqalka Cad ee Maraykanka, waxaan u arkayey in dhammaantood ay aad u xiisanayaan arrintan oo ay raadinayaan in xal loo helo caqabadaha hadda jira. Runtiina shaqo badan ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo xal waara,” ayuu yidhi Mr. Cabdirshiid Maxamed Siciid oo shirarkaasi kadib waraysiyo kala duwan ay la yeesheen qaybaha luuqadaha Soomaaliga, Ingiriisiga iyo Sawaaxiliga ee idaacadda VOA.

Maamulaha guud ee Dahabshiil waxa uu sheegay in shirkaddiisu si buuxda oo caadi ah uga shaqayso dirista lacagaha Maraykanka, inkastoo culaysyo bangiyada dalkaasi saareen lacagaha Soomaalidu dirto ay saamayn ku yeesheen qaar ka mid ah shirkadaha xawilaadaha. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Sidaynu la socono weli Soomaalidu lacagta way ka diraan Maraykanka, inkastoo ay jiraan culaysyo guud. Markaa aad baan ugu faraxsanahay in dawladda Maraykanku xiisaynayso in Soomaalidu is caawiyaan oo aanay lacagtoodii istaagin oo ay si toos ah u socoto. Xayiraadda Maraykanka ee la maqlay waa mid xagga bangiyada ah ee maaha xagga sharciga, weli Dahabshiil wuu ka diraa lacagta Maraykanka oo caadi ayaa lacagta looga diraa xarumaha Dahabshiil ee gobollada Virginia, Ohio Columbus, Minnesota iyo kuwa kaleba Dahabshiil shaqadiisii Maraykanku way socotaa, shirkado kaloo Soomaali ah oo lacagta diraana way jiraan.” Waxa kaloo uu ka hadlay tallaabada dawladda Kenya ku xidhay shirkadaha lacagaha dira iyo kuwa ganacsiga ee Soomaalida, waxaannu rajo ka muujiyey in baadhitaan kadib go’aankaasi ay ka noqon doonto Kenya. “Kenya waa nasiib-darro qaraxyadii iyo dhibaatadii ka dhacday Jaamacadda Gaarisa ee dadka masaakiinta ahi ku dhinteen in ganacsatadii Soomaalida oo dhan aan waxba loo kala reebin ilaa kuwii sharciga haystay, go’aankaasi Kenya qaadatay waa mid dad masaakiin masaariiftooda helayey ama shirkado ganacsi oo adduunka oo dhan ka shaqeeya in la yidhaa magaca Soomaaliyeed darteed liiska aynu raacinno iyadoo aan wax dami ah lagu helin, maxkamad la saarin, markaa taa dawladda Kenya waanu kala xidhiidhnay rajoweyna waanu ka qabnaa, waanan ku rajoweynahay marka dawladdu dib u eegto arrintaa in shirkadaha qaar laga saari doono liiska.” “Dawladda Kenya shirkado Dahabshiil ka mid tahay liisan sharci ah oo ay ku shaqeeyaan ayey siiyeen, way baadhaan oo saddex bilood ka horba bangiga dhexe ee Kenya wuu baadhay Dahabshiil oo wuxuu yidhi waanu ku faraxsanahay shaqadiinna,” ayuu yidhi Maamulaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale.Tallaabooyinkan u dambeeyey ee uu qaaday Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid waxay qayb ka yihiin dadaallo caalami ah oo loogu jiro in aanay istaagin xawilaadaha lacagaha Soomaalida looga soo diro dibadaha, iyadoo ay ahayd dhawaan markii dhawr iyo toban hay’adood oo kuwa Samofalka ahi ay ka codsadeen dawladaha Maraykanka iyo Kenya in aan sabab la’aan loo hakin isku dirista lacagaha Soomaalida oo badiba nolosha dadka caadiga ahi ku xidhan tahay sida maciishada, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan adeegyada baahiyaha aasaasiga ah ee bini’aadamka.