Madaxweynaha Oo La Filayo Inuu Digreeto Ku Soo Saaro Bixinta Wejiga Labaad Ee Darajooyinka Ciidamada

0
548

Picture1Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu soo saaro digreeto uu ku dhaqan gelinayo qaybinta darajooyinka ciidamada kala duwan ee dalka oo la filayo in maalmahan la bilaabo.

Madaxweynaha oo sidoo kale ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxa uu hore u bixiyay darajooyinka la siiyay taliyayaasha iyo ku xigeenada Booliska, milatariga iyo asluubta, waxaana la filayaa in maalmahan foodda inagu soo haya si rasmi ah loo bilaabo wejiga labaad ee darajooyinka oo ah in la siiyo saraakiisha iyo ciidamada kala duwan.

Darajooyinku ka sakow dhinaca dalaacadda waxa kale oo ay ciidamada u kordhin doonaan mushaharada iyagoo u kala mushahar badan doona sida ay u kala sareeyaan.

Xeryaha kala duwan ee ciidamada ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn loogu hadal hayay wakhtiga la bixin doono qaybta hadhay ee darajada ciidamada, waxase la filayaa in maalmahan ciidda ka horeeya ciidamada lagu taxo darajooyinkooda.