Suldaan Ka Hadlay Xurguftii Ceelbardaale Oo Xukuumaddu Waxqabadkeeda Ku Soo Darsatay

0
616

Picture2Hargeysa (Geeska) – Suldaan Xuseen Aw Muuse Warsame (Cirday) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Gabiley, ayaa ka hadlay xaaladda deegaanka Ceelbardaale oo xukuumaddu dhawaan sheegtay in xurguftii ka jirtay la dhameeyay.

Suldaanka oo xalay la soo xidhiidhiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay in xukuumaddu ay waxqabadkeedaku darsatay inay soo afjartay xurguftii dhex taalay beelaha walaalaha ah ee wada degga deegaanka Ceelbardaale, waxaanu sheegay inaan ilaa hadda arintaasi aan la dhamayn, sidaas daraadeedna loo baahan yahay inaan xukuumaddu waxqabadkeeda ku darsan waxyaabo aan jirin.

Suldaan Cirday oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Dawladdu saddex jeer bay sheegtay inay dhamaysay arintii Ceelbardaale, wax alaale iyo wax ka dhamaadayna ma jiraan, Markii hore  Cabdilaahi Cukuse (Wasiirka warfaafinta Somaliland) ayaa isaga oo afhayeenka Madaxtooyada ah yidhi waanu dhamaynay arintii Ceelbardaale, dabadeedna annaga oo fajacsan oo leh ma Malaa’igbaa dhamaysay ayuu na soo maray Madaxwaynaha oo ka yimid Gobolka Awdal, dabadeedna waxaanu u sheegnay inaan wax dhamaaday jirin, waxaanu ku nidhi halkan (Gabiley) inaynu kaaga wadahadalnaa ma wanaagsana ee muddo na sii aynu xafiiskaaga kaga wadahadalee, mudadii lamana siinin oo lanooma yeedhin, haddana Madaxwaynuhu maalintii uu labada golle la hadlay ayaa la yidhi waanu dhamaynay arinkaa, anaguna waanu iska diidnay inaanu saxaafadda ka hadallo (Beenino)”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay “Markaa wax gacan la isku saaray oo la dhameeyay oo ay ku deggan tahay ma jiraan, Haddana waxqabadkii xukuumadda ee habeen hore (Axaddii) ayuu ninka afhayeenka ah ee Dhuxul la yidhaahdaa ku soo daray waxqabadka xukuumadda oo uu yidhi waa la soo afjaray arinkaa, markaa saddex jeer baa la sheegay in la dhameeyay, xukuumaddana waanu ku dhaliilaynaa kalimaadka aan jirin ee ay odhanayso, waana in arinkaa hagaag run looga sheego ayaa wanaagsan oo hagaag looga taliyo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxqabadka la sheegayaana waa run lagu daraa”