Madaxweynaha Oo Dhaqan Geliyay Xeerka Sirdoonka Qaranka Oo Uu Mugdi Badani Ku Jiro

1
1071

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay si rasmi ah u dhaqan geliyay xeerka sirdoonka qaranka oo ay ku jiraan qodobo ka soo horjeeda xorriyatal qawlka, kuwaas oo ay saxaafadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ahiba hore u cambaareeyeen.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed shalay ka soo baxay madaxtooyada, Madaxweynuhu wuxuu dhaqan gelinta xeerkan ku soo saaray digreeto. Xeerkan uu Madaxweynuhu hirgeliyay waxa ku jira qodobo dhawr ah oo ka soo horjeeda madaxbanaanida saxaafadda, kuwaas oo ay bulsho badani aad uga qaylisay, iyadoo ay siyaasiyiinta mucaaradka ahi xeerkan ku tilmaameen mid ka xun xeerkii sirdoonka ee dawladii Maxamed Siyaad Barre. Waxaanay dhaqan gelinta xeerkani ku soo beegmaysaa iyado uu wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale wargeysyada ku soo bandhigo qormooyin taxane ah oo uu ku lafo-guro xeerkaas iyo dabinada ku duugan. Si kastaba ha ahaate warsaxaafadeedka madaxtooyadu wuxuu u dhignaa sidan:  “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray digreeto uu ku dhaqan geliyay xeerka Hay’adda Sirdoonka qaranka.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan (Dhuxul), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;

Wuxuu Soo Saaray: Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Comments are closed.