Ninkii Helay Goobtii Uu Qaddaafi Ku Dhuumanayey Oo U Dhintay Nabarro Aargoosiya

0
796

 

qadafi sheegayParis (Geeska)- Waxaa salaasadii toddobaadkan ku geeriyooday mid ka mid ah cisbitaallada waaweyn ee magaalada Paris xarunta dalka Faransiiska Cumraan Jumca Shacbaan oo ah ninkii ugu horreeyey ee arka goobtii uu hoggaamiyihii Libya ee la dilay Mucammar Al-Qaddaafi ku dhuumanayey markii ay qabteen xoogaggii kacdoonku. Sida ay ku warrantay shabakadda Alcarabiya Cumraan oo ah Liibiyaan dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalada Misraatah, kana mid ahaa maleeshiyadii magaalada ku abtirsanayey ee qaybta ka ahaa kacdoonkii hubaysnaa ee Qaddaafi lagu riday ayaa 20-kii bishii Oktoobar ee sannadkii hore mar ay si kedis ah ay isugu dhaceen ciidankii uu la socday iyo koox la socotay Qaddaafi waxa uu arkay goob biyo maren ah oo uu ku gabbanayey Qaddaafi.

 

Cumraan ayaa intii ka dambaysay dhicistii Qaddaafi waxaa xarun u ahayd magaalada Mazda oo uu haystay qayb ka mid ah ciidamada cusub ee dalka Libya, waxaana la aaminsan yahay in uu xilkaa ku helo abaal marinta heliddii Qaddaafi.

Wargeyska A-Shuruuq oo ka soo baxa dalka Algeria ayaa isna sheegay in Cumraan uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaadhay jidh dil iyo ciqaab la mariyey mar ay af-duubeen dad ka soo jeeda deegaanka Bani Waliid oo iyagu weli taageersan Qaddaafi.  Muddo konton maalmood ah oo ay kooxda afduubtay gacanta ku haysay ayaa la sheegay in ay ka waraysteen qaabka loo qabtay hoggaamiyahoodii ay jeclaayeen, waxaana aakhirkii la soo daayey markii uu arrinkiisa soo farogeliyey guddoomiyaha cusub ee golaha Baarlamanka dalka Libya Dr. Maxamed Maqriifi oo ergadiisa lagu sii daayey Cumraan laakiin raggii kale ee lala af duubay illaa hadda la haysto.

Isla markii la soo daayeyba Cumraan waxaa loola cararay dalka Faransiiska si looga soo daaweeyo nabarro waaweyn oo ka soo gaadhay jidh dilkii iyo ciqaabtii af duubayaasha, laakiin dhakhaatiirtu kumay guulaysan in ay badbaadiyaan oo salaasadii toddobaadkan ayuu ku geeriyooday cisbitaalka.

Magaalada Misraatah oo ahayd tii garaacistii ugu darnayd ay u geysteen ciidamadii Qaddaafi dad badanna ay u dhinteen go’doon muddo ay ku hayeen, ayaa maleeshiyo dhalasho ahaan ka soo jeedaa ay ku guulaysteen in ay helaan Qaddaafi kuna dilaan meel ah duleedka magaalada uu ku dhashay ee Sirta. Waxaana la aaminsan yahay in maleeshiyada uu Cumraan ku jiray ay Qaddaafi u dileen si ka baxsan shuruucda caalamiga ah ee Aadamenimada markii ay dileenna waxa ay qaateen maydkiisa oo aakhirkii ay ku aaseen meel aan illaa hadda la garanayn.

Dadka reer Misraata waxa ay aaminsan yihiin in Cumraan Jumcah Shacbaan uu yahay halyey magaaladiisa uga aaray Qaddaafi waxa aanay maalintii shalay si weyn isugu soo baxeen soo dhoweynta maydka Cumraan oo ay aas qaran u sameeyeen.

In kasta oo uu Qaddaafi ahaa keli taliye si arxan darro ah dadkiisa u maamulayey muddo ka badan 40 sano, haddana dad badan ayaan jeclaysan qaabka uu Cumraan oo markaa uu Qaddaafi helay 21 jir ahaa iyo raggii la socday oo geddiisa ahaa ay ula macaamileen Qaddaafi oo ay nolosha ku heleen isaga oo da’diisu ahayd 69 jir.