Madaxweynaha Masar Oo Ka Hadlay Khilaafka Biyaha Niilka Ee U Dhexeeya Dalkiisa Iyo Itoobiya

0
517

masarQahira(Geeska)-Madaxweynaha Masar Maxamed Mursi, ayaa markii u horaysay si toos ah uga hadlay is-mari-waaga dalkiisa iyo Itoobiya ka dhex taagan ee la xidhiidha Dhaamka Itoobiya ay dhistay ee ay dhawaan sheegtay inay u leexinayso biyaha Niilka.

Madaxweyne Mursi, ayaa dhambaal gaar ah oo uu shalay ku baahiyay wargeyska Al-Ahram ee ka soo baxa dalkaas, wuxuu ku sheegay in xidhiidada wanaagsan ee uu dalkiisu la leeyahay wadamada Afrika, gaar ahaan Sudan iyo Itoobiya aanu lumin doonin dhibic ka mdi ah biyaha webiga Niilka. “Hawlgalka istaraatajiyadu waxa weeye in lala xidhiidho Itoobiya, dawladeeda iyo dadkeeda si looga hortago wax dhaawac ah oo lagula kaco saamiga Masar ee biyaha Niilka amaba walaalahayaga Suudaan.” Ayuu yidhi Mursi.

Madaxweynaha Masar, wuxuu iftiimiyay inaanu weli wax isfaham ahi jirin isagoo xusay in warar iyo macluumaad badani weli maqanyihiin, kuwaas oo la xidhiidha Dhaamka Itoobiya. “Masar raali kama noqon doonto inay waxyeelayso saaxiibkood, sidaas daraadeedna maaha wax aanu doonayno inaanu waxyeelayno horumarka qaran aanu saaxiib nahay.” Ayuu yidhi Mursi, waxaanu intaas raaciyay in biyaha webiga Niilku yihiin udub dhexaadka horumarka jiilalka soo koraya.

Geesta kale, wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa khamiistii u yeedhay safiirka Masar u fadhiya Addis Ababa si ay wax uga weydiiso hadalo cadaawadi ka muuqatay oo ay siyaasiyiinta Masar kaga tiraabeen kulan uu Madaxweyne Mursi isugu yeedhay oo la xidhiidhay ka tashiga dhaamka Itoobiya. Hadaladaas waxa ka mid ahaa in talaabo laga qaado Itoobiya, iyadoo ay siyaasiyiinta qaarkood ku taliyeen in la burburiyo dhaamkaas. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay sheegtay inay jawaab ka sugayso safiirka Masar ee Addis Ababa.