Hargeysa: Munaasibad Loo Sameeyay 10 Guurada Ka Soo Wareegtay Aasaaska Dallada SONYO

0
545

Picture1Hargeysa (Geeska) – Dalladda ururrada Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, ayaa u daabal-degtay sannad-guuradii 10-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aasaasay oo ku beegnaa Sannadkii 2003-dii.

Munaasibad loo qabtay xuska sannad-guurada 10aad ee SONYO oo ku qabsoontay hotel Mansoor ee Magaaladda Hargeysa,  ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiirka Dib-u-dejinta Saleebaan Axmed (Xagle-toosiye), Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir Cali, Wasiirkii horre ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Golaha Sare ee Daladda SONYO, ururrada dhalinyarada ee dalka iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horreyn waxa munaasibadda hadal soo dhawayn ah ka jeediyey Agaasimaha dallada SONYO Mr Siciid oo faahfaahiyey ujeeddada munaasibadda, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsannahay in aad nagala soo qayb-gashan munaasibadda aas-aaska sannad-guuda 10-aad ee dalladda Sonyo oo aanu halkan ugu dabaal-dagi doono inagoo is-dhaafsan doono hadal iyo hogo-tusaalayn ku saabsan mustaqbalka dhalinyaradda Somaliland”

Sidoo kale waxaa munaasibadda ka hadlay Gudoomiyaha Dalladda SONYO Mubaarig Ismaaciil Taani oo sheegay in Dalladdu isku xidh ururada dhalinyarada, kana shaqeysa horumarka iyo isku xidhka umadda Somaliland, isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi, “Waxaanu halkan u joognaa xuska sannad-guuradii aas-aaska Sonyo oo ah markii ay 10-jirsatay, maadaama oo ay Sonyo tahay dallad isku xidha dhalinyaradda reer Somaliland oo ay ku bahoobeen ururo badan oo ka jira dalka oo dhan 54”

Mr Mubaarig Ismaaciil Taani, waxa kale oo sheegay “Dalladdani waa dallad ka shaqaysa isku xidhka dhalinyaradda reer Somaliland sidii ay dalkan uga gaysan lahayeen horumar wax ku ool ah, maadaama oo dalladani tahay dallad ay hoos yimaadaan ururo badani waxayna dalladii dhalinyaradda Somaliland ka wacyi-galin toonto tahriibta dalka ku soo noqonaynaya oo aynu meel uga soo wadda jeesan doonno horumarka dalkan iyo taabo galinta qarankan curdinka oo ay dalladani ka shaqayn doonto iyo horumarka isku xidhka bulshada Somaliland” ayuu yidhi waxaanu tilmaamay inay xukuumadda Somaliland uga fadhiyaan in la siiyo dhul ay ka dhistaan xafiiska guud ee dalladda SONYO, maadaama oo buu yidhi dalladdu ay 10 sanadood xafiis kiro ah ku jirtay.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhalinyaradu u leedahay dhismaha dalka, isaga oo dhanka kale ka hadlay  dhibaatada tahriibtu ku hayso Dhalinyarada “Maanta waxaa ugu badan ee laga dayriyaa waa mushkiladda Tahriibta oo dhibaato badan inagu haysa, tahriibtana lama odhan karo shaqo-la’aanta oo kaliya iyo qof shaqo beelay ayaa tahriibayaa” ayuu yidhi Wasiir Cali Siciid Raygal, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Laakiin dadka ugu badan ee imika tahriibayaa waa dad shaqo haysta oo qaarkood ayaa sarriflayaal ku haysta dalka oo aanu soo ogaanay oo markii aanu ehelkood ku nidhi mee inankaagii ay yidhaaheen wuu tahriibay”

Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay in SONYO ay siinayaan dhulkii ay ka dhisan lahayd xafiiskooda guud, si aanu sanadka 11-aad ugu soo galin xafiis kiro ah.

Geba-gabadii Munaasibadda waxa ka hadlay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu ururrada ku midaysan dallada SONYO ugu hambalyeeyay Munaasibada 10 guurada aasaaska dalladdaasi, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay hawlaha horumarinta dhalinyarada kaalintooda uga qaataan.

Sidoo kalena, waxa uu Madaxwayne ku xigeenku sheegay in dhalinyaradda ka soo baxa jaamacaduhu ay xukuumad ahaan warwar ku hayaan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa, maadaama oo ay yihiin xoogii dalka iyo hogaamiyayaashi barri.

Munaasibada waxa iyaguna ka hadlay Wasiirka dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale iyo shakhsiyaad kale oo ay ka mid tahay Khadra Kaliil oo ka mid ahayd aasaasayaasha dalladda SONYO.