Shirkadda Isgaadhiinta Somtel Oo Soo Banadhigtay Abaalmarintii Bishan Ee Somtel Iyo Adeegyo Cusub Oo Ay Daahfurtay

0
607

somtelHargeysa  (Geeska) Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL ayaa shalay soo bandhigtay adeegyo cusub oo ay kamid yihiin in farriimahaaga [sms] aad kala socon kartid fariimaha ku yaala facebooka.  Sidoo kale shirkadda somtel ayaa soo bandhigtay saddexdii qof ee bishan ku guulaystay aaalmarinta Somtel.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Khadar Cabdiraxmaan, waxaanu ka sheekeeyay adeegyada cusub ee SOMTEL, isagoo sheegay inay sidoo kale soo bandhigayaan saddexda qof ee ku guulaystay bishan abaalmarinta shirkadda. Madaxa iibka ee shirkadda Iid Muuse, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Saddex amuurood ayaanu maanta ka hadli doona si bayna  u kala muhiimdsanay yihiin saddexda arimood ugu horayn waxaanu idiin sheegaynaa in aanu isbedel ku samaynay qiimihii ama daqiiqadihii somtel lagu hadli jiray habeenkii iyo maalintii, waxaanu macaamishayada ugu bushaaraynaynaa in daqiiqadihii lagu hadli jiray habeenkii kordhin lagu sameeyay oo habeenkii shirkadda somtelaad ku hadli karto saddex boqol oo minit, maalintiina waxaad ku hadli kartaa kaadhka somtel boqol minit. Tusaale ahaan wixii ka dambeeya  lixda fiidnimo ilaa lixda subaxnimo halka dolar waxaad ku hadli kartaa 300 oo minit, lixda subaxnimo ilaa lixda fiidnimo halka dolar waxaad ku hadli kartaa 100 minit. Qorshe cusub ayaa isaguna jira oo GPRS-ka ah isaguna flashta markaad ku isticmaalayso internetka halka dolar waxaas ku heli kartaa 300 mb

Markaad ku isticmaalayso mobilka GPRS-ka 150 oo mb ayaad helaysaa, Adeega muraad koob ayaanu isna saaka idinla soconaa oo ka kooban package ama bushqad ka kooan saddex arrimood  oo kala ah

Xogdoon, Smsa Facebook iyo Voice Mail, dabcan waa pakage bishii hal sent uun lagaa goosanayo oo qiimihiisu jabanyahay. Arrinta afaradd ee aanu saaka idinla soconaa waa halkan waxa ka muuqda quraarad dadkii  bil ka hor aanu iclaaminay inay ka soo jawaabaan su’aalihii laga waydiinayay mobilka oo laga soo dhex saaray dadkii sida saxda ah uga jawaabay oo dhan intaas kadib waxa gobta lagu soo bandhigay saddexdii qof ee ee bishan ku guulaystay abaalmarihaas kuwaas oo ay madiibadii bakhtiyaad nasiibka ku jiray ay ugu nasiibiyeen xildhibaan nacnac iyo eng yuusuf axmed cumar xaashi oo ah xoghayaha guud ee shirkadaha isgaadhsiinta somaliland

Qofka ku guulaystay abaalmarinta koobaad ayaa helay laptop isagoo numberka qofkaasi yahay 9234505 waxa nasiibka u qaaday qofkan xildhibaan nacnac oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka somaliland

Qofka labaad ayaa isaguna ku guulaystay mobile smart phone ah iyadoo qofkaasi yahay numberkiisu 9027925 waxaana qofkan nasiibka u qaaday eng: yuusuf axmed cumar xaashi oo ah xoghayaha guud ee shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland

Qofka saddexaad oo u nasiibka u qaaday xildhibaan ahmed maxamed nacnac oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Somaliland waxaanu qofkaasi ku guulaystay flashta lagu isticmaalo internetka numberka qofkuna waa 9167747.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo kamida baarlamanka Somaliland xildhibaanku waxa uu ku dheeraaday hawsha adag ee shirakada  somtel u hayso dadwaynaha sidoo kale waxa uu xildhibaanku uga mahad celiyay shirkadda somtel sida fiican ee ay markasta u barbartaagantahay macaamisheeda waxaanu sheegay xildhibaanku in shirkadda somtel tahay shirkad markasta u heelan in haqaab tiro baahida dadwaynaha  sidoo kale xildhibaanku waxa uu sheegay xildhibaanku in shirkada somtel qayb qayn ay qaadatay tabinta koobka gobolada Somaliland ee ka socda hargeysa stadium isagoo xildhibaanku dadwaynaha ka soo qayb gala tartanka koobka gobolada ee ka socda hargeysa stadium ugu baaqayinay ilaaliyaan nabad galyada iyo sumcada garoonka.

Eng: eng: Yuusuf Axmed Cumar-xaashi oo ah xoghayaha guud ee shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland oo isna halkaas ka hadlay ayaa  sheegay  in cilmigu yahay shay aad u qaali ah waxaanu u soo jeediyay dadka ku hadhay tartankaas su’aalaha la isku waydiinayay inaanay niyad jabin ee ay mararka dambe jaaniska eegtaan ; waxaanu injneerku soo jeediyay dhalinyarada in ay ka faa’idaystaan tiknooljiyada casriga ah ugu dambayntiina waxa uu u mahad celiayay shirakadda somtel waxaanu soo jeediyay in shirkadaha isgaadhsiinta dhamaantood la ilaaiyo.

Ugu dambayntii waxa halkaasi ka hadlay mustafe  xuseen oo ah madaxa suuq gaynta shirkada somtel waxaanu ku dheeraaday hawlaha shirkada somtel u hayso dadwaynaha ugu dambaytiina wuxuu sharaxaad ka bixniyay adeegyadda cusub ee somtel soo bandhigtay