Madaxweynaha Masar Iyo Golaha Milatariga Oo Isku Seegan Kala Diristii Barlamanka

0
600

 

201262412579261734_20Qaahira,(Geeska/WashingtonPost)- Maxkamada dastuuriga Masar ayaa go’aamisay inuu shaqeynayo qaraar ay hore ugu kala direen baarlamaankii dalkaa, kana soo horjeeda go’aan sabtidii Madaxweynaha cusub ee Masar Maxamed Morsi ku sheegay sharci daro go’aanka kala dirista baarlamaanka.

 

Sida lagu baahiyey telefishanka qaranka fadhi Maxkamada dastuurigu ka yeelatay go’aanka Madaxweyne Morsi ayey ku diideen dib u eegista qaraarkoodii hore kala dirista baarlamaanka, kuna cadeeyey inuu yahay go’aanka dhaqangal ah, sida wakaaladaha wararku sheegeen.

Talaabada Maxkamada dastuuriga ayaa u muuqata mid iska horimaad dhex-dhigaysa Madaxweyne Morsi iyo taageerayaashiisa oo dhinac ah iyo hogaamiyeyaasha Milateriga iyo maxkamada dastuuriga oo dhinaca kale ah, inkastoo weli wax war ah hogaanka Milateriga Masar ka soo saarin go’aanka Madaxweyne Morsi.

Qaar ka tirsan dadka falanqeeya siyaasada Masar ayaa ku tilmaamay go’aanka Madaxweyne Morsi mid Milaterigu ka warqabeen, halka qaar kale sheegeen inay adkaan doonto sida hogaanka Milaterigu u aqbali doonaan in awoodooda la wiiqo, “Go’aanka Morsi waxuu abuuri doonaa xurguf siyaasadeed,” ayuu yidhi Jamaal Ciid, oo ah qareen khabiir ku ah xuquuqda bani-aadamka. Isagoo raaciyey, “Muddo ayuu sugayey inuu gaadho go’aan xaqiijinaya inuu yahay Madaxweynaha jamhuuriyada.” 

Ka hor intaan lagu dhawaaqin go’aanka Maxkamada dastuuriga Masar, iska hor-imaad la filayey inuu dhaco ayaa baaqday, taasoo Afhayeenka baarlamaanka Masar Saad-el-katani ku sheegay in fadhigii ugu horeeyey ee baarlamaanka dib loo dhigay ilaa salaasada maanta. 

 Go’aanka Madaxweyne Morsi ayaa loo arkaa mid uu ku doonayo muujinta cudud uu ku horisaagi karo awood qeysiga hogaanka Milateriga, oo ka dhigtay mid awoodahiisii sharci iyo weli kuwii misaaniyadeed u daba fadhiisto jeneraalada.